Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Sanad-Guuradii 1-aad ee Doorashada Farmaajo oo lagu maamuusayo adeeg Caafimaad bilaash ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Muqdisho Maanta waxaa laga dareemayaa Sanadguuradii Koowaad ee markii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku beegneyd Maanta oo kale 8,dii Bishii Sanadkii tegay ee 2017.

Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa waxaa la dhigay Teendhooyin uu ku xardhan yahay Sawirka Madaxweyne Farmaajo,waxana ku sugan tiro kalkaaliyaal ah kuwaas oo dadka u sameynaya Gurmad Caafimaad oo lacag la’aan ah.

Dadka ka faa’ideysanaya barnaamijkan adeega caafimaad ee lacag la’aanta ayaa waxaa ka mid ahaa dad da’ ah oo lixaadkooda aan u dhameystirneyn iyo dadweyne kale oo dan yar ah, kuwaasoo aan awoodin baaritaanada caafimaad ee Isbitaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay in la qabto wax xaflad ah oo dabaal deg u ah sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegatay doorashada Madaxweyne Farmaajo, waxayna taas badalkeeda qarashkii ku bixi lahaa u garatay inay u adeegto dadka Masaakiinta ah.

1-39.jpg?resize=696%2C929&ssl=1 2-39.jpg?resize=696%2C929&ssl=1 3-36.jpg?resize=696%2C929&ssl=1 4-30.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 5-20.jpg?resize=480%2C320&ssl=1 6-18.jpg?resize=480%2C320&ssl=1 8-10.jpg?resize=696%2C473&ssl=1 baaritan-caafimad4-630x420.jpg?resize=63 baaritan-caafimad2-630x420.jpg?resize=63 baaritaan-caafimad-630x420.jpg?resize=63

 

The post Sawirro:-Sanad-Guuradii 1-aad ee Doorashada Farmaajo oo lagu maamuusayo adeeg Caafimaad bilaash ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this