Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuqaal: Dabeyl soo saartay Xaqiiqada Timaha kab-kabka ah & Bidaarta Madaxweyne Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) – Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey in timaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay yihiin kuwo kabkab ah oo qeybo badan ay maqan yihiin, basle uu isku daboolo si loo qariyo madaxa ruquqsan.

Muuqaalka xaqiiqada ah ee timaha madaxweyne Trump ayaa waxaa bannaanka soo dhigay dabeyl xoog leh xilli uu diyaaradda Aqalka Cad raacayey, waxaana si cad loo arkay in qeybta dhexe madaxa madaxweyne Trump aanu lahayn wax timo ah iyo bidaar qeybo ah oo madaxa uu ku leeyahay.

Madaxweye Trump oo 71 sano jir ah ayaa lasheegay inuu timihiisa ku qariyo kareemooyin gaara oo lagu dhejiyo in timo lagu beeray oo si gaara looga shaqeeyo, waxaase intaas oo dhan isku fuuqsaday dabeyshii haleeshay Trump.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Muuqaal: Dabeyl soo saartay Xaqiiqada Timaha kab-kabka ah & Bidaarta Madaxweyne Donald Trump appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this