Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SAHAL IYO SAMSAM: LAMAANE IS DOORTAY OO CUNSURIYAD LAGU QABIIL LAGU TAKOORAY

Recommended Posts

Sahal Cabdi Kaafi, waa wiil Soomaaliyeed oo 35 jir ah, waxa uu degenyahay magaalada Muqdisho oo uu ku leeyahay Tukaan weyn oo lagu iibiyo qalabka Elektarooniga.

 

Mr. Sahal, waxa haysata mushkilad u dhaxaysa isaga iyo qoyskiisii, taas oo salka ku haysa haweenay uu calmaday oo uu dhawaan guursaday, balse waalidkii u diiday.

 

Waalidkii lama hadlaan, ka dib markii uu guursaday gabadh uu jacayl xoogani ka dhexeeyay oo lagu magacaabo Samsam Axmed, taas oo ka soo jeeda qabiilka loo yaqaan Yixir [Yibir] oo ka mid ah dadka Soomaalida ah ee haybsooca lagu sameeyo.

 

Mr. Sahal waxa uu Samsam guursaday dhawaan ka dib markii Midowga Maxkamaduhu gacanta ku dhigeen inta badan Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo meesha ka saaray amarna ku soo rogay in sida Diinta Islaamku dhigayso dadka Muslimiinta ahi simanyihiin, waxaanu mudadaas ka hor wada socodkoodu ahaa mid sir ah, waxaanay ku naaloonayeen in wakhti wakhtiyada ka mid ah uu jacaylkoodu ku dhammaan doono guur.

 

Samsam, Aabaheed wuu dhintay, hooyadeedna waxay Muqdisho ku iibisaa qaadka, “Waxaanu ku jirnay xaalad jacayl, waxaanan dareensanayn inaanu cadaab ku dhici doono marka ay waalidkaygu ogaadaan arrimahayaga, waxaanan rajaynaynaa sida ugu xun oo waanu u diyaar garawnay.” Ayuu yidhi Mr. Sahal oo ka dhashay qoys caan ah oo degen Muqdisho, isaga oo u waramay BBC-da qaybteeda Ingiriisida.

 

Samsam qoyskoodu waa Beelaha la hayb sooco, waa dadka ka ganacsada, tolista kabaha, timo xiirista iyo shaqooyin kale, “Qoyskaygu waxa ay ii balan qaadeen inay bixin doonaan kharashka ku baxaya arooskayga haddii aan guursado gabadh reerkayaga ah, laakiin ma tuurayo xabadayda aan jeclaaday,” ayuu yidhi Mr. Sahal, oo sheegay inuu dareensanyahay sida ay u warwari doonaan marka uu waalidkii ku wargeliyo in isaga iyo Samsam isa soo mehersadeen, “Waa gabadh qurux badan, edeb badan aadna ii ixtiraamta oo Alla ka cabsi badan, markaas ma jirto sabab aan u guursan waayaa.” Ayuu yidhi Sahal.

 

Samsam ayaa iyaduna waxa ay BBC-da u sheegtay inay ogtahay oo keliya Jacaylka ka dhexeeya iyada iyo Sahal, balse aanay weligeed ka fikirin faraqa bulsho ee u dhexeeya labadooda, waxaanay tidhi “Jacaylku ma yaqaan da’, ma yaqaan qabiil, sidaas daraadeed ma jirto sharaxaad kale oo ku saabsan sababta uu Sahal ii jeclaaday.”, waxaanay intaas ku dartay, “Si kastaba ha ahaate, waxa uu I guursaday iyada oo aanay waalidkii ku raacin, waxaanu khatar geliyay xidhiidhkii uu la lahaa qaraabadii iyo xidhiidhkii saaxiibadii iyo weliba kii bulshada uu ka soo jeedo.”, waxaanay intaas ku dartay, “Ugu dambayn Sahal waa Sahalkaygii aniguna waxaan ahay Samsamtiisii noloshuna mararka qaarkood waxa ay noo noqotoaa sida filim aanu daawanayno.” Ayay tidhi Samsam oo dhoola cadaynaysay.

 

Waxa jirta caado dhaqameed fool xun oo ay Soomaalidu caado u leedahay, taas oo ah in dadka qaarkii la hayb sooco lana diido in laga guursado. Dadkaasi waa dad Muslim ah, Soomaali ah, Madow ah ku hadla Afka Soomaaliga, balse lagu takooray sabab aan la garanayn oo aan waafaqsanayn Diinta Islaamka. Sidaas daraadeed labadan lamaane waxa haysata caadadaas foosha xun ee jacaylkooda ka dhigtay mid xaaraan ah, iyada oo laga yaabo in haddii uu Mr. Sahal doono gabadh Ingiriis ah aanay waalidkii u diideen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this