Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Qorshaynaynta Puntland oo Tababar u qabatay qayb kamid ah shaqaalaha dawladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa tababar la xiriira hannaanka Qiimaynta iyo Kormeerrada (Monitoring and Evaluation) u qabatay shaqaalaha  hay’adaha kala duwan ee dawladda u qaabilsan Qiimaynta iyo kormeerrada.

Shaqaalahaan ayaa waxaa lagu tababarayey  sida loo isticmaali doono habraacyo la xiriira hannaanka Qiimaynta iyo Kormeerrada ama (M&E Framework) kaas oo dhowaan la dejiyey isla markaana ay ku jiraan shuruuc badan oo barnaamijkaasi la xiriirta.

Qiimaynta iyo kormeerrada mashaariicdu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee tiir dhexaadka u ah taabba-galka dawladdanimada, iyadoo taas laga duulayo ayaa shirka lagu casumey dhmmaan shaqaalaha dawladda khibradda u leh M&E si loo dardar-geliyo shaqada dawladda.

Tababarka ayaa socon doona muddo labo maalmood ah waxaan lagu lafo guri doonaa sidii ay shaqaaluhu u noqon lahaayeen kuwo faham buuxa ka haysta buugga habraaca M&E Framework  iyo sidii loo isticmaali lahaa loogana faa’iideysan lahaa cilmiga dheeraadka ah ee buuggaasi lagu soo koobay.

DSC03011.jpg?resize=600%2C338 DSC03012.jpg?resize=600%2C338 DSC03014.jpg?resize=600%2C338 DSC03015.jpg?resize=600%2C338 DSC03016.jpg?resize=600%2C338 DSC03018.jpg?resize=600%2C338 DSC03021.jpg?resize=600%2C338 DSC03022.jpg?resize=600%2C338 DSC03023.jpg?resize=600%2C338 DSC03025.jpg?resize=600%2C338

The post Wasaaradda Qorshaynaynta Puntland oo Tababar u qabatay qayb kamid ah shaqaalaha dawladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this