Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo warbixin xasaasi ah ku sheegtay in Al-qaacidda ku xoog badan tahay Somaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey ku sheegtay in  Ururka Al-Qaacidda uu ka xoog badan yahay Daacish islamarkaana meelaha qaar Caalamka Al-qaacidda ku leedahay awood xoog le.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ururka Al-Qaacidda uu aad ugu awood badan yahay Daacish marka loo eego dalalka Soomaaliya iyo Yemen.

Sidoo kale Al-qaacidda waxaa ay awood ka badan midda Daacish hadda ku leedahay Galbeedka Afrika iyo Koofurta Aasiya,taas oo iyana la rumeysanyahay in Ururrada cilaaqaadka la leh Al-Qaacidda in ay ka badanyihiin kuwa Daacish.

AP oo warbixintan qortay ayaa sheegtay in waddamo aan la magacaabin ay Al-qaacidda halis ku tahay hadda marka loo eego Daacish qatarteeda,waxaana warbixintan lagu sheegay in Al-Qaacidda ay qorsheyneyso weerarro culus oo ay caalamka ka fuliso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Qaramada Midoobay oo warbixin xasaasi ah ku sheegtay in Al-qaacidda ku xoog badan tahay Somaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this