Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Duulista Hawada Puntland oo dib u dhigtey tartan loo galayo shaqooyin banaan

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Garoomadda Diyaaradaha Puntland ayaa lagu sheegay dib u dhac muddo kooban oo aan la shaacin ku yimid shaqooyin imtixaan loo gali lahaa 10 bisha Febraayo 2018.

War qoraala oo kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha waaxda Shaqaalaha Wasaaradda Duulista Hawadda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi ayaa lagu shaaciyay in dib looga soo sheegayo dadkii codsiga usoo gudbiyay shaqooyinka loo tartami lahaa saddex maalmood ka dib.

Haddaba soo ka akhriso nuqul ka mid ah qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo soo gaarey Warbaahinta PUNTLAND POST.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Wasaaradda Duulista Hawada Puntland oo dib u dhigtey tartan loo galayo shaqooyin banaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this