Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Sida loo badbaadinayo hantida saaran doontii ku caariday Xeebta Boosaaso.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ganacsatada gobolka Bari ayaa bilaabay gurmad lagu badbaadinayo hantida saaran doon maalmo ka hor ku caariday meel u dhow xeebta magaalada Boosaaso.

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka tirsan guddiga ganacsatada u gurmanaya shixnadda saaran doonta, ayaa sheegay in ay haatan dhisayaan deked macmal ah si loo gaaro doonta,islamarkaana loo badbaadiyo hantida saaran.

“waxaanu wadnaa dadaallo runtii xoog leh,waxaa ugu muhiimsan in aan deked macmal ah samayno oo ilaa doonta aannu ka gaarno.Runtii shaqadaas si xoogleh ayey ku socotaa,meel fiican bay hadda maraysaa”,ayuu yiri Sheekh Fu’aad oo caawo la hadlay idaacadda Radio Garowe.

Sheekh Fu’aad ayaa sheegay in dhismaha dekedda macmalka ah ay ka shaqeynayaan 15 gaari oo nooca Soomaalidu u taqaan “Iska-rogada” kuwaasoo soo guraya dhagax yo carro laga buuxinayo halka laga samaynayo marsada cusub.

“Dekeddaas macmalka ah hadda waxaa ka shaqeynaya baabuurta waaweyn ee Iska-rogooyinka labada candho leh,waxaa ka shaqeynaya 15 xabbo. Waxa shaqeynaya ilaa lix todoba baalle oo soo raraya baabuurta qeyb,qeybina meesha ka shaqeynayso”,ayuu yiri Fu’aad.

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST

The post Daawo: Sida loo badbaadinayo hantida saaran doontii ku caariday Xeebta Boosaaso. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this