Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Archeological Sites Revealed

Recommended Posts

Hargeysa(Ramaas) Dec.26, 2008 - Waaxda Archeology-ga ama astaarta qadiimiga ah ee Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa ka warantay tirada goobaha qadiimiga ah ee dalka iyo xaalada ay ku sugan yihiin.

 

Maxamed Cabdi Cali, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Archeology-ga ahna sahmiyaha dhammaan goobaha taariikhiga ah, oo uu weheliyo madaxa Archeology-ga ee gobolka Tog-dheer, ayaa warbixin ay siiyeen shabakada wararka ee Ramaasnews, waxay ku sheegeen in dalku hodan ku yahay goobaha taariikhiga ah iyo dhaqankaba, hase ahaatee aan la daryeelin lana ogayn.

 

Maxamed Cabdi Cali, ayaa sheegay in tirada goobahan oo ay ku jiraan goobo weli aan la gaadhin, ay guud ahaan yihiin 154 goobood, oo isugu jira goobo sawiro gacmeedyo leh, (Rock Paints & Carve Paints), xabaalo taariikheed iyo taallooyin, waxa kale oo tiradaas dheer 107 Magaalo oo qadiimi ah, kuwaas oo isugu jira kuwo aasmay, kuwo raadkoodii muuqdo iyo kuwo magaalooyinku gaadheen. Waxaa kale oo intaas dheer badda ama xeebta Somaliland oo ay ku jiraan maraakiib iyo doonyo degay taariikh hore, oo iyaguna hadda ah taariikh ay leedahay Somaliland.

 

Maxamed Cabdi waxa uu sheegay inay goobahaas ka heleen min Saylac illaa Ceerigaabo, iyada oo ay jiraan dhul baaxad leh oo aanay sahamin, lana hubo in goobo taariikheed ku sugan yihiin.

 

Madaxa Sahmiyeyaasha oo ka waramayay goobaha taariikhiga iyo sida ay u kala qeybiyeen, waxa uu sheegay in goobaha sawir gacmeedka lihi ay yihiin 45 goobood oo sawiro kala duwan leh oo ku taxan buuraha Sil-silada Golis dhulka ku dhow dhow, ayna isugu jiraan godad lagu noolaan jiray, goobo la deganaa oo magaalooyin hore ahaa iyo dhagxaan buuraha ku dhegan oo ku dhow dhulka biyaha ama magaalooyinka ah, waxaana uu sheegay in sawiradaasi kala duwan yihiin oo sawir kastaa muujinayo deegaanka uu yahay Xayawaanada ama xoolaha ku noolaan jiray.

 

Dhinaca Xabaalaha wuxuu sheegay inay ku kala saareen 43 qaab, oo wax loo aasi jiray, kuwaas oo muujinaya in qaarkood sara-joog wax loogu aasi jiray, qaarkoodna qofka iyo hantidiisa la is raacin jiray, halka kuwo kalena ay muujinayaan in qofka fadhi lagu aasi jiray iyo xabaalaha ugu dambeeyay oo muujinaya xiligii ay diinta islaamku soo gaadhay sidii loo badalay aaska dadka.

 

Waxa kale, oo uu tilmaamay goobaha diiniga ah oo goob kasta oo la deganaan jiray uu ku yaalo masaajid ama goob diimeed, oo uu raadkiisii sii muuqdo ama qaarkood ay dhisan yihiin, waxa uu tusaale u soo qaatay masaajidka taariikhiga ah ee ku yaala degmada saylac ee loo yaqaano "Qiblatayn" oo ah masaajid laba qiblo leh, oo muujinaya laba diimood.

 

Sidoo kale, waxa uu shaaca ka qaaday 107 goobood ama magaalooyin hore, oo ku filiqsan dalka gudihiisa, oo ay ugu weyn yihiin Dhagax kuurre, oo Waqooyiga Hargeysa ah Seeto, oo Burco iyo Ceerigaabo dhexdooda ah, Fardowsa oo ku taala degmada Sheekh iyo kuwo kale oo taxan dhulka xeebaha ah oo la degi jiray, waxaa intaa dheer maraakiib iyo doonyo degay xilliyo hore oo badeena laga gurto oo aan loo arag hanti taariikheed.

 

Madaxa Sahamiyeyaashu waxa uu intaas ku daray in dhamaan goobaha kala duwan ee taariikhiga ahi ay markhaati u yihiin in dalkan ay ku noolaan jireen ummado kala duwan oo dhaqamo iyo taariikh kala duwan lahaa, waxaana uu tusaale u soo qaatay khabiir Faransiis ah oo dhawr jeer Somaliland yimid, oo dhulka Somaliland ku tilmaamay dhul aan weligii laga guurin ama dhulkii Aabeyaasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this