Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ammaanay Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Recommended Posts

Deeq A.   

Farmaajo-iyo-Alhamadi.png?resize=600%2C4

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) ayaa shalay Xarunta Villa Somalia kula kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi,sida ay qortay Wakaaladda Wararka Emirates News Agency.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka,si loo gaaro danaha wadaagga ah ee labada dal.

Intii kulankaasi socday madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) ayaa Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya,isagoo ammaanay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Dhinaca kale Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa madaxweyne Farmaajo u mahadceliyey,wuxuuna ballanqaaday in dowladda Imaaraadku ay sii wadayso taageerada dhinacyada badan ee ay siiso Soomaaliya.

Xigasho:-Emirates News Agency

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ammaanay Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this