Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Howlgal uu horkacay Guddoomiye ku xigeen ka tirsan G/Banaadir oo si weyn loo cambaareeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiyiin iyo dadka adeegsada baraha bulshada ayaa si weyn u canbaareeyay howlgal xalay ka dhacay degmada Hodon ee G/Banaadir oo uu horkacayey guddoomiye ku xigeenka amniga ee G/Banaadir.

Howlgalan oo saqdii dhex ay guryaha dadka ku qaadeen ciidamada NISA ayaa la arkayay iyadoo lagu soo ururiyey boqolaal dad ah oo u badan dhalinyaro oo guryahooda iyagoo hurda loogu galay, waxaana la isugu keenay barxad xaafadeed, halkaasoo uu khudbad uga jeediyey guddoomiye ku xigeenka maamulka G/banaadir Maxamed C/llaahi Maxamed.

Dadka qaar ayaa arrintaasi ku tilmaamay xadgudub iyo wax laga xumaado in dad hurda la soo ururiyo oo la isku sawirro iyadoo habeen saq dhexe loo khudbeynayo, laguna tuntay xuquuqdoodii, halka dadka qaarkiis ay arrintan ku sheegeen mid ka tarjumeysa khibrad yaraanta guddoomiye kuxigeenka cusub oo ah nin dhalinyaro ah.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsane ayaa sheegay in hab dhaqanka xalay dhacay ee ciidanka Nabadsugida kula kacayaan shacabka aanu ahayn mid caawinaya wadashaqayn dhexmarta bulshada iyo hay’adaha Nabadgelyadda. “Hadii aad dadkaada xurmad tirto ogow Alshabaab ayaad dad badan u xaraynaysaa, adigoon ogayna ayaad xoojinaysaa. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda dalka in ay sidan wax u dhamaan oo shacabkooda xurmeeyaan..” ayuuna ku yiri farriin uu baraha bulshada soo dhigay.

Hay’adaha xuquuqda insaanka iyo sharci yaqaanada ayaa hore u cambaareeyay howlgallada dadka fara badan mar kaliya lagu soo ururiyo oo dowladihii Sheekh Shariif iyo qeybtii hore ee Xasan Sheekh ku dhaqmi jireen.

27544833_1756615347733813_92107920735734 27459886_1756614914400523_84902364058073 27540194_1756614784400536_84569959762170 27459858_1756614701067211_54208710281279

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Sawiro: Howlgal uu horkacay Guddoomiye ku xigeen ka tirsan G/Banaadir oo si weyn loo cambaareeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this