Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Gurmad lagu samata bixinayo Doonidii soo caariday oo ka bilowday Bosaso.

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa ka bilowday gurmad xoogan oo lagu badbaadinayo hantida saaran Dooni ganacsi oo maalmo kahor kusoo caariday xeebta magaalada Bosaso.

Doonidaan oo lagu magacaabo Alxafiid, ayaa cilad soo wajahday awgeed ugusoo xiran weyday dekeda Bosaso, waxaana hantida saaran lagu qiyaasay 7milyan oo dollar.

Maanta ayaa la bilaabay samaynta Marsa Yar oo loo marayo halka ay doontu joogto si Loogasoo daabulo hantida saaran Doonidan oo u gaaraysa 1850 Tons.

Dhismaha Marsada Yar Ayaa qaadanaysa qiyaas ahaan 4 Maalin Sida uu sheegay mid ka mid ah Engneerada Dhisaya.

27460016_10159925092460627_1791673232300 27654803_10159925092540627_2179909548914 27540128_10159925092720627_4285169646538 27750840_10159925093110627_7302445589271 27544715_10159925095935627_1157283418058

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this