Sign in to follow this  
Deeq A.

Faallo: Ra’isul wasaare Kheyre waa markiisa!

Recommended Posts

Deeq A.   
Waa suuragal inaad ku jahwareertay cinwaanka faaladda balse ugulama jeedo caqabado xilka qaadis oo hada heysta Raisulwasaare Xasan Cali kheyre laakiin waa baalki siyaasadeed uu daah qaatay.

Xukumadda uu Wasiirka koowaad ka yahay Xasan Cali Kheyre ayaa ambaqaadkeeda waxa uu soo bilowday sanadii 2017-ki.

Marxalado kala duwan oo ay soo martay xukumadda waxaa jiray arimo xeelad u baahnaa oo xoog lagu xamaasadeeyay.

Kheyre oo markiisi hore soo magacaabay xubno wasiiro uu ku kalsoonaa waxaa muddo kadib wasiiradii ay qaarkood noqdeen kuwa iscasila, kuwa xilka laga qaado iyo kuwa ay cabsi hareysay.

Xeendaabka siyaasadeed ee uu ootay kheyre ayaa siyaasiin badan u noqday qaraar kuwana la shaqeyntiisa ayey macaansadeen.

Dad badan ayaa u arka ra’isul wasaare kheyre shaqsi hadalo kulul islamarkaana aan jecleen in hirarka siyaasadeed ee uu huwan yahay la hor istaago.

Mas’uuliyiin xilal heysay oo ay isqilaafeen ra’isul-wasaare kheyre ayaa aragtidooda ku waayay xilal ay hayeen.

Wasiiro  gudanayo shaqooyinka loo igmada ayaa xiliyada qaar caqabado dahsoon kala kulma xubno ka socda xafiiska ra’isul wasaaraha waa arintii ay shaqada isaga tagtay Drs Maryan qaasim oo hore u baahisay in ay ka shaqeyn weysay isbarbaryaac shaqo iyo Faragelin.

Wargelin la’aan

Wasiirki hore arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad iyo wasiirki hore wasaarada arrimaha gudaha C/faarax saciid juxa ayaa xilka qaadistooda kaga war helay meel aan aheyn xafiiska ra’isul-wasaaraha.

Maalmihi Yuusuf iyo Juxa xilalka ay wareejinayeen kama uusan soo qeybgelin ra’isulwasaaraha waxaana taasi ay iftiimineysa in wargelin badan aysan ka jirin xaga xafiiska ra’isul wasaaraha.

Wasiirada xilalka laga qaaday waxa ay arintooda cabsi badan gelisay madax kala duwan oo xilalka ka haya dowladda gaar ahaan kuwa ay haleeli karto seefta ra’isul wasaaraha.

Kuwii Mahadcelinta waayay.       

Waxaa ku jiray xubnihi uu ra’isul wasaare kheyre xilalka ka qaaday kuwo mahdin mudnaa balse aan loo abaalcelin.

Maxaabiista laga soo celiyay wadanka hindiya waxaa marna xukumada kheyre bidhaaminin doorki uu Yuusuf Garaad ku lahaa iyadoona amaan oo dhan ay wasiirka koowaad noqotay.

Xalintii khilaafki xadka soomaaliya iyo Kenya ka jiray waxaa doorkoi ugu weynaa qaatay Cabdi Faarax Saacid(juxa) balse wasiirka koowaad ee xukumada ma mahadcelin mas’uulki abaalka lahaa.

Tabtii thaabit ku baxay

Waxaa mudo ka hor soo shaac baxay khilaaf dahsoonaa oo u dhaxeeyay Ra’isul wasaare kheyre iyo gudoomiyihii xilka laga qaaday Thaabit Cabdi Maxamed.

Kheyre iyo thaabit ayaa isku qabtay maqaamka ay yeelan karto muqdisho iyo in dhaqaalaha gobolka uu helo in laga maamulo xafiiska ra’isul wasaaraha arintaa oo uu thaabit ka soo horjeestay ayaa u gogol xaartay xilka in laga qaado thaabit waxana wadada la soo maray ay aheyd awoodi madaxweynaha.

Shaqo ka ceyrin shaqaalo Ra’yid ah

Qofba waxa uu leeyahay himilo taageero mana ahan arin xun inaad taageero gaar ah u muujiso hogaamiyaha aad hanashadiisa siyaasadeed la dhacsan tahay.

Xafiiska Ra’isul wasaare kheyre waxaa maalmo isxig xigay shaqada laga ceyriyay shaqsiyaad aqoontooda ku yimid balse howsha loo igmaday ku waayay abaal aysan awoodooda gudi Karin oo ay fikirkooda ku muujiyeen.

Waxaa maalin cad shaqadi ay hayeen waayay wiilal iyo gabdho ka shaqeynayay xafiiska ra’isulwasaare kheyre kaliyah waxa ay boosaskooda ku waayeen in ay ka xumaayeen Talada lagu ceyriyay Thaabit shaqsiyaadka shaqada wayay waxaa kamid ahaa Nafisa Cali Abiikar oo la dhalatay Ku-xigeenkii Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Cali Abiikar iyo Wiil dhallinyaro ahaa oo magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed.

Ra’isul wasaare kheyre ayaa dowladihii dalka soo maray duudsiiyay adeegyadii baahsanaa ee ay bulshada u qabteen waxaan halheys uu ra’isulwasaaraha qudbad waliba kaga dhigtaa 27-sano kadib xukuumada hada jirta. Taasi  oo u muuqan karta in wixii dowladihii hore soo qabteen ay ahaayeen kuwa aan xulasho laheyn.

Dad badan ayaa aaminsan in Ra’isul wasaare kheyre awooda baaxada leh ee uu ka heysto Madaxweyne Farmaajo ay ku dhalineyso in wax walba hada ay yihiin.

Waxaan soo gunaanadaa Faalladeeda oo aan ujeed ahaan kalahaa waa markeyga miyeysan habooneen in fikirka iyo talada la wadaago si guusha dowladnimo halkeeda ugu sii socoto.

W/Q: Nuur Ismail Sheikh 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

The post Faallo: Ra’isul wasaare Kheyre waa markiisa! appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this