Sign in to follow this  
Deeq A.

AKHRISO: Tirada Safarada dibada ee uu baxay Farmaajo tan iyo markii xilka loo doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aanu lawada socno waxaa muddo hal maalin ah ka harsan xiligii la doortay isla markaana la dhaariyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa sanad jirsan doona maalinta beri ah oo ku beegan 8-February, waxa ayna dowladu u dabaal-dageysaa munaasabada sanad guurada 1-aad.

Madaxweyne Farmaajo oo maalinta beri ah dhameysan doona sanadka 1aad ayaa inta uu xilka hayo baxay 22 safar oo dalka dibadiisa ah, iyadoo safarada ugu badan uu ku kala bixiyay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, sida u diiwaan gishan Caasimada Online

Caasimada Online, waxa ay sidoo kale diiwaan galisay Safaro kale uu Madaxweynuhu ku bixiyay Gobolada dalka, inkastoo aanu ku darin xisaabta Safarada u qoran Madaxweynaha.

HOOS KA AKHRISO SAFARADA UU BAXAY MADAXWEYNAHA TAN IYO MARKII LA DOORTAY.

1- Safarkii koowaad:- February 23, 2017, waxa uu Madaxweynuhu u safray dalka Sacuudiga, gaar ahaan magaalada Riyadh.

2- Safarkii labaad:- March 22, 2017, waxa uu Madaxweyne Farmaajo aaday Dalka Kenya oo uu uga qeybgalaayay Shirka IGAD.

3-Safarkii Seddexaad:- March 28 , 2017 waxa uu Madaxweynuha u safray dalka Urdun ee Cammaan, halkaa oo uu uga qeybgalaayay shir.

4-Safarkii Afaraad:- Apr 9, 2017 waxa uu Madaxweynaha u Safray wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

GOBOL:- April 23, 2017, Madaxweynaha dalka ayaa u safray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

5-Safarkii Shanaad:- April 25, 2017,  waxa uu Madaxweynaha u safray dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbuul.

6-Safarkii Lixaad: May 3, 2017, waxa uu Madaxweynaha u  safray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

GOBOL:- May 8, 2017, Madaxweynaha Somalia ayaa Safar shaqo ku gaaray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

7-Safarkii Todobaad: May 09,2017 waxa uu Madaxweynaha u safray Magaalada London oo lagu qabanaayay shirka Soomaalida.

8-Safarkii Sideedad: May 21, 2017 waxa uu Madaxweynaha u safray Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga halkaa oo uu uga qeybgalaayay shir.

9-Safarkii Sagaalaat: May 23, 2017, Madaxweynaha ayaa Safar shaqo ku gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

10-Safarkii Tobanaad: May 24, 2017 Madaxweynaha ayaa Safar shaqo ku gaaray dalka Qadar oo uu ka helay Casuumaad.

GOBOL:- May 29, 2017, Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Xarunta maamulka Galmudug.

GOBOL:- June 06 2017, Madaxweyne Farmaajo ayaa safar ku aaday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

11-Safarkii Koow iyo Tobanaad: Jun 21, 2017, waxa uu Madaxweynaha u safray Magaalada magaalada Kampala ee dalka Ugandha.

12-Safarkii Laba iyo Tobanaad: August 20, 2017, waxa uu Madaxweynaha u safray Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

13-Safarkii Seddex iyo Tobanaad: September 26, 2017 Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudia.

14-Safarkii Afar iyo Tobanaad: October 22, 2017, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Ugandha.

15-Safarkii Shan iyo Tobanaad: October 23, 2017 Madaxweynaha dalka ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

16-Safarkii Lix iyo Tobanaad: October 24, 2017 Madaxweynaha dalka ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

17-Safarkii Todobo iyo Tobanaad: November, 19, 2017 Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu Dubai ee xarunta dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

18-Safarkii Sideed iyo Tobanaad: November 27, 2017 Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.

19-Safarkii Sagaal iyo Tobanaad: November 29 2017, Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa u safray wadanka Ivory coast oo uu uga qeybgalay shirka madaxda dalalka Afrika iyo Yurub.

20- Safarkii labaatanaad: December 7, 2017, Madaxweynaha JFS Maxamad C/llahi Farmaajo ayaa Safar ugu baxay dalka Masar oo uu kaga qeybgalaayay shirka Ganacsiga Afrika oo ka dhacaayay magaaladda Sharma Sheekh.

21- Safarkii labaatan iyo koowaad: December 11, 2017, Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Safar ugu ambabaxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga si uu uga qeybgalo shir looga soo horjeeday Go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Trump caasimada Israel uga dhigay magaalada Qudus.

GOBOL:- January 7, 2018, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa socdaal ku gaaray magaalada Garoowe, waxa uuna booqashooyin kusii maray deegaano ay kamid tahay Qardho, Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb.

22- Safarkii labaatan iyo labaad: January, 27,2018, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa oo uu uga qeybgalaayay Shirka Madaxda Midowga Africa.

Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in Madaxweyne Farmaajo uu hakiyay Safaro dhowr ah oo uu ku aadi lahaa dalal ay kamid yihiin Talyaaniga iyo Ethiopia, waxa ayna kor u qaadi lahaayen cadadka Safarada uu baxay waa haddii uu bixi lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post AKHRISO: Tirada Safarada dibada ee uu baxay Farmaajo tan iyo markii xilka loo doortay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this