Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa sidee xaalada amni ee magaalada Bosaso?

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntand, ayaa  saakay waxaa ka dhacay Labo qarax oo ka dhacay xaafadda Al-Raxma ee Ku Taala Wadada Dheer ee Tagtay Madaxtooyada Boosaso.

Lama Oga illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay Qaraxyadaan is xig-xigay, Waxaana kan labaad lala beegsaday Ciidamada Booliska oo halkaasi ujoogsaday howlgal amni.

Dhinaca kale, faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa maleeshiyo hubeysan oo xalay weeraray saldhiga bartamaha ee magaalada Bosasaso, iyadoo weerarkaasi uu ka dhashay khasaare ciidanka amniga soo gaaray.

Weerarka ayaa ahaa mid la isku adeegsaday qaraxyo iyo rasaas, waxaa jira dad dhaawac ka soo gaaray weerarka oo la geeyey isbitaalka magaalada Bosaso.

Seddex askeri oo uu ka mid yahay Taliye ku xigeenkii saldhiga bartamaha Axmad Maxamad Cali (Sanweyne) ayey wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen weerarka.

Masuuliyadda Weerarkii Xalay Waxaa Sheegtay kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this