Sign in to follow this  
Deeq A.

MD Farmaajo oo u Hambalyeey Cabdiqawi oo Loo Doortay Gudoomiyaha Hague

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hambayo u dirtay Cabdiqawi Axmed Yusuf Cumar oo loo doortay Gudoomiyaha Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland.

Qoraal ka soo Baxay Madaxtooyada oo la soo Dhigay Twitter-ka ayaa loogu hambalyeey Cabdiqawi Axmed Yusuf Cumar.

Qoraalka ayaa lagu yiri ” Hambalyo abdiqawi Axmed Yusuf oo loo doortay Madaxweynaha ICJ Qareen Cabdiqawi waa Xirfadle  kaasi oo ku dhashay Magaalada Eyl Kana mid ahaa maxkmada ilaa Feb 2009-kii Soo Noqday Madaxweyne ku Xigeenka ICJ  6 Feb  2015-ka  ilaa 6- Feb 2018-ka loona doortay Madaxweynaha ICJ.

Hambalyo.jpg?resize=720%2C829

Cabdiqawi Axmed Yuusuf Cumar  ayaa noqonayo Muwaadinkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee madaxweyne ka noqdo Maxkmada Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka (ICJ) sidoo kalena waxa uu noqonaya ninkii labaad oo Afrikaan ah oo Gudoomiye ka noqna Maxkamada Hague oo la asaasay sanadkii 1946.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post MD Farmaajo oo u Hambalyeey Cabdiqawi oo Loo Doortay Gudoomiyaha Hague appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this