Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Madasha Amniga oo la soo Gaba Gabeeynayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Galinka Dambe ee maanta lagu wadaa in Muqdisho lagu soo gaba gabeeyo shirkii Amniga qaranka oo ay madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxda dowlada ku leeyihiin Muqdisho.

Shirkaan oo ah kii 6-aad oo ay madaxda isugu yimaadaan ayaa waxaa ka soo qeeybgalay Madaxda maamuk Goboleedyada iyo Madaxda dowlada iyo Beesha Caalamka.

Shirkaan oo furmay shalay oo Talaado aheyd ayaa waxaa looga hadlay qorshooyinka amniga dalka Soomaaliya .

Intuu socday shirka Madaxda Dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyadda ayaa ka hadlay xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.

ugu dambeeyntii Shirkaan ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro War-mutiyeed ay madaxda kaga hadlayaan waxyaabaha shirkaasi ka soo baxay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

 

The post Shirkii Madasha Amniga oo la soo Gaba Gabeeynayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this