Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgalo Culus oo ka socda Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari.

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Puntland Post]-Qarax Miino  oo Ah Nooca Dhulka Lagu Aaso Ayaa Ku Qarxay Meel Udhow Shirkad Bulukeetiga Jarta oo ku Taala Xafada Cariga Bosaso.

Ciidanka Booliska Ayaa Gaaray Goobta Waxayna Baritaan ugu Jiraan Qaabka wax Dheceen iyo Cidii ka Damaysay Miinadaan Sidii Ay Usoo Qaban Lahayeen.

Ciidanka Booliska ee Bosaso oo warbaahinta Puntland Post ay La xiriiratay  Ayaa xaqijiyey In Aanay jirin Wax Khasaare Nafeed ah Lakiin Ay Jiraan Baabuur Wadada Maraysay oo Jajab Yari Soo Gaaray.

Hawlgalo culus ayaa ka socda magaalada Ciidamada amaanka ayaa lagu arkayaa xafadaha Bosaso ku waas oo  sugaya Amaanka .

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili xalay  weerar lagu qaadaya saldhiga bartamaha ee Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari halkaas oo ay ku dhaawac meen askar ka tirsan ciidamada Puntland .

Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkii xalaya saldhiga Bartamaha ee Bosaso

Bishii la dhaafay ee Janaayo  ayey ahayd markii lagu weeraray qarax xarunta Ciidanka ilaalada wadooyinka Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

The post Hawlgalo Culus oo ka socda Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this