Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa caawa weerar khasaaro kala duwan geystay ku qaaday Saldhiga Booliska ee Bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wararku waxa ay sheegayaan in weerarka uu ahaa mid la isku adeegsaday qaraxyo iyo rasaas xoogan, waxaa jira dad dhaawac ka soo gaaray weerarka oo la geeyey isbitaalka magaalada Bosaso.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in khasaaraha dhaawac ee ilaa iyo hadda la ogyahay uu soo gaaray Seddex askari oo uu ka mid yahay Taliye ku-xigeenkii saldhiga bartamaha.

Maleeshiyaadka soo weeraray saldhiga ayaa isku dayey in ay gudaha u galaan saldhiga , balse waxa ay iska caabin kala kulmeen  askartii ku sugnayd saldhiga, sidaa waxaa warbaahinta gudaha  u sheegay  goob jooge ku sugnaa goobta uu weerarka ka dhacay.

Saldhiga bartamaha Bosaso waxaa ku xiran dad ku eedeysan kiisas kale duwan sida ka mid  ahaanshaha kooxaha Shabaab iyo Daacish.

Masuuliyadda weerarkan, ayaa waxaa sheegtay maleeshiyada Al Shabaab, sida ay baahisayba Idaacadda Andalus oo afka Shabaabka ku hadasha.

Dhinaca kale, Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Maamulka Gobolka Bari, ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Boosaaso.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

Caasimada@live.com

The post Weerar Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this