Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Imaaraadka oo la kulmay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,Mohammed Ahmed Othman Al Hammad ayaa la kulmay la-taliyaha cusub ee Amniga Qaranka Soomaaliya,Abdi Said Ali,sida ay daabacday Wakaaladda Wararka ENA.

Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay xiriirka laba-geesoodka ah iyo habka xoojinta iyo horumarinta danaha labada dal,sida ku xusan qoraalka Wakaaladda.

danjire.Al Hammadi ayaa ugu hambalyeeyay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya xilka cusub ee loo dhiibay,wuxuuna u rajeeyey in uu ku guulaysto waajibka loo igmaday.

Dhankiisa la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya,Abdi Said Ali ayaa taageerada joogtada ah ee dhinacyada badan ee ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale kaalinta ay ku leedahay dhismaha ciidanka Xoogga dalka.

Xigasho:-Emirates News Agency

PUNTLAND POST

 

 

The post Safiirka Imaaraadka oo la kulmay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this