Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Cadaaladda Puntland oo si adag uga hadlay lacagta lagu tago Xajka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Cadaalladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo maanta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe ka dib socdaal uu kaga yimid dalalka Mareykanka,Turkiga, Kenya iyo Masar ayaa ka hadlay muranka ka taagan qiimaha qaaliga ee Soomaalidu ku tagto Xajka.

Wasiir Xabiib ayaa ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya inay wax ka qabato cabasho xoog leh oo ka jirta qiimaha Soomaalidu sanadkii ku tagto xajka oo ah kan ugu qaalisan adduunka, wuxuuna ku eedeeyay shirkadda Jubba inay sabab u tahay sarre u kaca qiimaha xajka oo ah lacag gaareysa $ 4,000 ( Afar kun oo dollar) halkii qof-ba.

Wuxuu sheegay Wasiirka Cadaalladda Puntland 15 bishan 2018 in lagu wado Dowladda Federalka Soomaaliya inay saxiixdo qoondada Soomaalidu ku leedahay xajka, wuxuuna ugu baaqay Madaxda Dowladda iyo Gollaha Wasiiradda Soomaaliya inay wax ka bedelaan musuq maasuq xoog leh oo ka jira tagitaanka Xajka.

Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland ayaa ugu baaqay shirkaddaha duulimaadyadda inay u tartamaan tagitaanka dalka Saudi Arabia xilliyadda xajka, si meesha looga saaro qollo gaar ah oo afduub u haysata duulimaadka xajka.

Waa markii ugu horeysay oo masuul ka tirsan Puntland uu si adag uga hadlo qiimo xad dhaaf ah oo  dadka Soomaaliyeed lagu geeyo sanad kasta gudashada xajka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Cadaaladda Puntland oo si adag uga hadlay lacagta lagu tago Xajka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this