Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo gacanta ku dhigtay ajaanib ka tirsan Ururka Al-Shabaab  (Akhriso tirada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhoobley (Caasimadda Online) – Saraakiisha Ciidamada ammaanka degmada Dhoobley ee Jubbaland ayaa sheegay Howlgal gaar ah oo Sabtidii ina dhaaftay ay ka fuliyeen banaanka degmada in ay ku soo qabteen Saddex nin oo Ajaanib ah.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha raggan in ay ka tirsan yihiin xoogaga ururka Al-shabaab, islamarkaana lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay degaanka Tuulo-barwaaqo oo 12-KM ujira Magaalada Dhoobley ee Jubbaland.

Raggan Saddexda ah ayaa waxaa laga soo qabtay degaanka Tuulo-barwaaqo oo ku yaalla Agagaarka xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxayna xilligaasi isku dayayeen in ay u baxsadaan dhanka gudaha Kenya.

Sarkaal u hadlay Ciidamada ammaanka degmada Dhoobley ayaa sheegay laba ka mid ah raggan in ay wateen Aqoonsiyada dalka Tanzania, halka midka kalena uu watay dhalasho Kenya ah.

Wuxuu kaloo sheegay sarkaalkan raggan in ay yihiin Dagaalyahano cusub oo Shabaab ah, kuwaasi oo doonayay in ay weeraro ka geystaan Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, sida Kenya.

Maamulka degmada Dhoobley iyo Saraakiisha Ciidamada oo weli aanan shaacin magacyada raggan ayaa waxa ay ku wareejiyeen Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, si loogu sameeyo baaritaano dheeraad ah.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa maalmahan dambe waxa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen degaanada banaanka ka ah magaalada Dhoobley, si ammaanka loo xaqiijiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Jubbaland oo gacanta ku dhigtay ajaanib ka tirsan Ururka Al-Shabaab  (Akhriso tirada) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this