Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Maxay tahay sababta keentay in biro lagu xiro Albaabada laga soo galo xarunta Gobolka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waaxda howlaha farsamada ee Dowladda Hoose Xamar ayaa bilaabay dayactir ay ku Sameynayaan Kontorolada laga Soo galo Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Si loo xaqiijo Amniga Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Agaasime ku Xigeenka Waaxda howlaha farsamada dowladda hoose Mudane Bashiir Shuumbe Shuute oo ka Hadlay dayactirkan lagu Sameynayo kontoroolada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la sameeyo koontaroolada maadama ay tahay in laxaqiijiyo Amniga Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed Mohamed Tuulah ayaa horay u amray dhismaha Koontarooladaan si loo adkeeyo amniga Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

7-10.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 6-12.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 5-13.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 4-21.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 3-25.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 2-29.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 1-29.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

 

The post Sawiro: Maxay tahay sababta keentay in biro lagu xiro Albaabada laga soo galo xarunta Gobolka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this