Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday Saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Qansaxdheere iyo saldhiggii oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Qansaxdheere (Caasimadda Online) –  Wararka naga soo gaaraya degmada qansaxdheere ee gobalka bay ayaa sheegaya in Dagaal xoogan uu halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dagaalamayaasha Al-Shabaab

Dagaalka ayaa waxaa la Sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xoogga ku leeyiihiin Degmada Qansaxdheere,waxaa ayna shabaab sheegeen inuu Dagaalka uu ahaa mid aad culus,islamarkaaana la isku adeegsaday Hubka Noocyadiisa kala Duwan.

Dadka Deegaanka ayaa idaacadda kulmiye u sheegay in khasaaro uu soo gaaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Balse lama oga khasaara dhabta ah ee soo gaaray labada dhinac ee dagaalka ku dhexmaray degmada qansaxdheere ee gobalka bay.

Warbaahinta laga faafiyo Wararka Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay la wareegeen Saldhig ay Ciidamada itoobiya iyo kuwa Xoogga ay ku lahaayeen Degmada qansaxdheere ee gobalka bay.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xiligan go’doomiyay degaano badan oo ku yaalla maamulka Koonfur Galbeed, waxaana taasi ay caqabad ku noqotay dadka Shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday Saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Qansaxdheere iyo saldhiggii oo.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this