Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu yaraan 6 ruux oo ku dhaawacmay dab qabsaday qoysas reer guuraa ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya dooxada Higlo-fardood ee hoostimaadda degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi uu ka kacay dab khasaare geystay.

Dadka degaanka oo la soo xiriiray PUNTLAND POST ayaa sheegay in dabkaani fiidnimadii xalay qabsaday duddo(saddex qoys oo wada deggan),kadib markii ay hulaaqday digo lagu shiday duleedka xerada adhiga.

ugu yaraan 6 ruux ayaa ku dhaawacmay dabkan,in ka badan 200 adhi ahna waa ku gubatay,sida uu xaqiijiyey mid kamid ah qoyska dabkan qabsaday oo la soo xiriiray PUNTLAND POST. Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ku hawlanaayeen in ay oodda ka dhuftaan adhiga xerada ku gubanaya.

Duddada dabku qabsaday ayaa waxaa u badbaaday guryaha oo ka fogaa xeryaha adhiga,taasoo yareysay khasaaraha dabka.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

The post Ugu yaraan 6 ruux oo ku dhaawacmay dab qabsaday qoysas reer guuraa ah. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this