Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne & Guddoomiye hore oo la toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay Qarax xoogan.

Qaraxa ayaa intiisa badan laga wada maqlay xaafadaha magaalada Beledweyne, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay miino xiliga Qaraxa la aasaayay.

Qaraxa oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa waxa ay la Qaraxday qofkii aasaayay oo ka tirsanaa maleeshiyada al-Shabaab, waxaana uu ka dhacay Qaraxa agagaarka Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi Beladweyne.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaa gaaray Saraakiisha iyo ciidamada amaanka oo halkaa ugu tagay Meydka ninkii aasaayay miinada oo goobta yaalay.

Ujeedka miinada ayaa la sheegay inay aheyd mid loogu tallo galay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabouti oo isticmaala wadada lagu aasay oo ay ku Qaraxday.

Docda kale, Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili isla xalay magaalada Beledweyne lagu dilay Gudoomiyihii hore ee dagmada Buulaburde Cabdi Iidow Warsame, oo kooxo hubeysan ay ku toogteen Xaafada Xaawo-taako ee Beledweyne asaga oo ka soo baxayay Masaajid ku yaala Xaafadaas.

Maalmihii danbe ayaa wuxuu ka mid ahaa ama lasocday Culumada Tabliiqa Gudoomihii hore ee degmada Buulaburde Cabdi Iidow Warsame.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne & Guddoomiye hore oo la toogtay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this