Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar ku qaadday Qansax-dheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaaa ku warramaya in halkaas uu Saaka dagaal ku dhexmaray ciidamada koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday.

Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo garabsanaya ciidanka Ethiopia eek a tirsan AMISOM ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen dagaallamayasha Al-shabaab,waxaana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan,inkastoo aan faahfaahin sii dheer laga hayn.

Dadka degaannada hoosyimaada degmada Qansax-dheere ayaa sheegay in dagaalka oo in muddo ah socday la isu adeegsaday hub aad u culus,kaasoo loo malaynayo in ay ridayeen ciidanka Ethiopia ee halkaas ku sugan.

Weli wax war ah kama soo bixin dhinacyada dagaallamay ee Al-shabaab iyo Koonfur Galbeed,lamina xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Wixii ka soo kordha kala soco:puntlandpost.net

The post Al-shabaab oo weerar ku qaadday Qansax-dheere appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this