Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkmada Ciidamada Qalabka sida oo Xukuntay Eedeeysanayaashii Qaraxii Soobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkmada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun saakay ku riday eedeeysanayaashii qaraxii qasaaraha badanaa geeystay oo 14-Octobar ee sanadkii horay ka dhacay Muqdisho.

Eedeeysanayaashaan oo gaaraya ilaa 5- ruux ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kiiskooda la dhageeysanayay iyaga oo maanta ugu dambeeyn xukun lagu riday.

Maxkmada ayaa ku kala xukuntay ragaasi dil toogasho ah, xabsi daa’id iyo Muddo xabsi ah iyada oo fasaxday labo ruux kadib markii dambi lagu waayay.

Hoos ka Aqriso Qaabka uu xukunka u dhacay

1- Xasan Aadan Isaaq Cali Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah

2- C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in

3- C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah

Maxkamada ciidamada waxa ay fasaxday eedeysanayaasha kala ah 4- Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble iyo

5-Cabdul Cabdi Warsame Cali oo wax dambi ah lagu waayay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Maxkmada Ciidamada Qalabka sida oo Xukuntay Eedeeysanayaashii Qaraxii Soobe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this