Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle oo ka warbixiyay Waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Maaliyada Sanadkii 2017 iyo Qorshayaasha Sanadka cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

wasiir-2.jpg?resize=600%2C399

Muqdisho, 05, feb, 2018 Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda faderaalka Soomaaliya mudane, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ka war bixiyay waxqabadkii wasaaradda Maaliyadda ee Sanadkii 2017 iyo waxyaabaha u qorshaysan Sanadkan cusub.

Wasiir Bayle shir jara`id uu ku qabtay Xafiiskiisa waxaa uu kaga warbixiyay waxyaabaha la taaban karo ee Wasaarada Maaliyadda u hirgalay aanadii la soo dhaafay ee 2017, sidoo kalana kalene ka hadlay qorshayaashiisa sanadka cusub 2018

Wasiirka ayaa sheegay in sanadkii tagay Wasaraddu ay guulo ka gaartay hirgalinta nidaam daahfuran oo lagu maamulayay qarashaadka soo gala dowladda, iyo bixinta musharaadka shaqalaha iyo ciidamada.

Waxaa uu intaas ku daray wasiirka wasaaradda Maaliyadda in dowladda Somaaliya ay ka go’antahay sidii ay ugu guulaysan lahaayeen habkii dhamaan deemaha lagu leeyahay dalka looga cafin lahaa, si midaa loogu guulaysto ayuu shacabka soomaaliyeed ka codsaday in ay bixiyaan canshuuraha taa oo ah habka kaliya ee dalku ku gaari karo isku filnaansho dhaqaale.

Waxa uu soo hadal qaaday canshuurta gadista oo ay wasaaraddu soo kordhisay, taas oo ku tilmamay mid anan wax u dhibayn ganacsatada, dowladduna ay ka kaabidoonto habmaamulka dhaqlaaha dalka.

___DHAMMAAD___

 

 

The post Wasiir Beyle oo ka warbixiyay Waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Maaliyada Sanadkii 2017 iyo Qorshayaasha Sanadka cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this