Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan Dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo lagu qabtay gobalka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaas (Caasimadda Online) – kabtan Daa’uud Gacmay oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Soomaaliya ee gobalka Hiiraan ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in ay howgalo ay ka sameeyeen qayba ka mid ah gobalka Galgaduud in ay ku soo qabtayn Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ragaan oo gaaraya Ilaa 3 qof ay ka soo qabtayn deegaanka Wabxo oo u dhaw degmada Ceel buur ee gobalka Galgaduud waxaana hada lagu hayaa degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Saraakiisha gobalka Hiiraan ayaa sheegay in dhalinyarada la soo qabtay ay muddo sadax sano ka hor Al-shabaab ka qabsadayn Degmada Ceel-buur kadibna ay Askareeyeen, waxaana qabashadooda ay timid kadib markii ay caruurtaasi dalbadayn in la caawiyo.

Isku xirka arintaan ayaa waxaa fududeeyay saraakiisha degmada Ceel-buur ee gobalka Galguud sida ay sheegeyn Saraakiisha amaanka iyo galgaduud iyo Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Faahfaahin ku saabsan Dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo lagu qabtay gobalka Galgaduud appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this