Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Joojiyey Dhisme ka socda Dhul ku dhow dekedda Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho, Feb, 5, 2018—Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa warqad si rasmi ah ku joojiyey dhismaha ka socda dhulka ka soo horjeeda Dekedda magaalada Muqdisho ee degmada Xamar-Jabab, kadib markii uu warbixin ka dhageystay waaxda dhul bixinta ee gobolka Benaadir. Waxuuna ku wargeliyey Hay’adaha ay khusayso joojinta hawlaha dhismaha, isagoo tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in dhismayaal sharci darro ah laga sameeyo dhulalka danta guud.

Duqa Muqdisho ayaa faray maamulka degmada Xamar jajab inay gacanta ku hayaan dhulkan uu dhismuhu ka socday, waxana hay’adaha ammaanka iyagana lagu wargeliyey inay tallaabo ka qaadaan cid walba oo isku dayda dhismaha dhulkan.

“Cid walba oo isku dayda in dhulka danta guud ay dhismeyaal sharci darro ah ka sameyso tallaabo ayaan ka qaadi doonaa, joojinta dhismaha ka socda dhulka danta guud ee ka soo horjeeda dekedda magaalada Muqdisho waa tallaabo aan uga golleenahay in dib loogu soo celiyo gacanta dawladda dhulalka danta ee ka maqan”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa horey u joojiyay dhisme ka socday dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro oo ku yaala Isgoyska Ceelgaabta, waxana ay tallaabadani qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo maamulka ku doonayo in dib loogu soo celiyo dhulalka danta guud ee sida sharci darrada ah loo dhisanayo.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this