Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada gollaha degaanka Garowe oo maanta diiwaan galinaya khasaarihii ka dhashay Dabkii ka kacay Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Garowe ayaa maanta kormeerkii ugu horeeyay ku tagay goobtii uu ka kacay Dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee 30-kii bishii hore ka kacay goob shidaalka lagu iibin jiray.

Dabkaas oo ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee sannadaan ka kaca Garowe, ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baxaad leh

Waxaa xildhibaanada halkaas ay haatan ka wadaan diiwaan galinta khasaarihii nafeed iyo kii hantiyeed ee ka dhashay Dabka, iyagoo wareysiyo la yeelanaya ehelada dadkii dhintay iyo dadkii iskalahaa xarumaha ganacsiga ee goobta ku gubtay.

Kormeerkaan ayaa qorshihiisu yahay sidii loogu gurman lahaa dadkii dhibaatadu ay kasoo gaartay Dabka, iyadoo gurmadkaas ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabka, Waxaa sidoo kale kormeerka qeyb ka ah in golaha degaanku uu diiwaan galiyo xarumaha Shidaalka lagu iibiyo ee kuyaala Garowe, si go’aan looga qaato xaruntii loo arko inay qatar ku tahay amniga shacabka

Xarumaha shidaalka lagu iibiyo ee Garowe, ayaa intooda badan kuyaala goobo aan haboonayn, iyagoo qaarkood kaabiga ku haya goobo meherado ah oo uu dabku mar walba ka holcayo.

27073322_934517376703785_428662297088985

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this