Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo soo saartay digniin ku wajahan Gaalkacyo kadib markii magaalada….

Recommended Posts

Deeq A.   

Mamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa si kulul uga hadlay falalka amni darri ee inta badan ka dhacay Waqoyiga magaaladaasi.

Maxamuud Yaasiin Tumey, duqa Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay in aysan fiirsan karin dilalka iyo qaraxayada lagu leynayo aqoonyahannada iyo waxgaradka magaalada, islamarkaana ay ogyihiin cidda ka dambeysa dilalka ka dhaca Gaalkacyo.

Tumey ayaa xusay in marnaba aan loo dulqaadan karin dadka bulshada indhaha u ah, balse loo baahan yahay in tallaabo cad laga qaado dadkaasi.

“Ma dooneyno inaan waxaa iska fiirsanno, maalin walba inta dad la aaso iska soo noqonno, waxaan ognahay cidda qaraxyada fulisa, waana Shabaab oo waan garaneynaa, waxaan rabnaa saraakiisha ciidanka Soomaaliya ugu sarreysa iyo maamulka gobolkana joogo in arrintaan jawaab ka bixinno”

Dilalka qorsheysan ee inta badan ka dhaca waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa ah kuwo lala eegta dadka waxtarka u ah bulshada, iyadoo aanay jirin cid loo soo qabta.

The post Puntland oo soo saartay digniin ku wajahan Gaalkacyo kadib markii magaalada…. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this