Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo Safar Ugu Ambabaxay Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Muqdisho. Madaxweye Gaas ayaa sheegay in magaalada Muqdisho isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay kaga qayb geli doonaan shirka amniga qaranka ,shirkaas oo ka furmi doona Magaalada Muqdisho ayna kasoo qayb geli doonan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dawladdaha xubnaha ka ah Dawlada Feredaalka Soomaaliay.

“Waxaan Galabta udhoofayaa Magaalada Muqdisho oo aan kaga qayb-gelidoono shirkii Amniga Qaranka oo ay isugu imanayaan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dawladaha xubnaha ka ah DF Soomaaliaya , shirkaas oo qaadan doonaa muddo laba maalmood ah , waxaana looga hadli doonaa hawlo Laxiriira amniga Qaranka insha alaah intaa kadib waxaan kusoo laaban doonaa Caasimadda Puntland ee Garoowe. ”

” Waxaan rajaynayaa in aan amnigeena iyo nabd-gelyadeena sii kobcino guul iyo khary ayaan rajaynayaa inshaa alaah ”
ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ka qayb gelid doono shirka amniga qarnaka Soomaalia ,shirkaas oo furmi doonaa maalinimada beroto ah lana Soo gebagebayn doono labada maamlood ee fooda inaku soo haya.

27337354_2072025056408347_76191930818324

27540122_2072023979741788_75735883357100

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this