Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkee ayuu marayaa dhismaha garoonka kubada cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga dhaqaalo arurinta dhismaha garoonka kubada cagta Gaalkacyo ee Cawaale Stadium, ayaa sheegay in 20 bishaan la bilaabidoono shaqada dhismaha garoonka, iyagoo tilmaamay in garoonka loo dhisidoono hab casri ah oo lamid ah sida garoomada caalamku u dhisan yihiin.

Guddiga waxay sheegeen in 15-ka bishaan lasoo bandhigidoono illaa iyo haatan dhaqaalaha kasoo xarooday dhinacyadii kala duwanaa ee lagu qoray inay ka qeyb qaataan dhismaha garoonka, kuwaas oo ay ugu horeeyaan qurjoogta reer Puntland  iyo ganacstada gudaha.

Waxay guddi sheegeen tan iyo markii la daahfuray dhaqaalaha aruriska garoonka oo ku beegnayd 29 bishii December ee sannadkii hore,  in maalin walba iyo saacad walba Akoonada garoonka loo furay ay kusoo dhacayaan dhaqaale kala duwan oo ka imaanayay meelo kala gedisan.

Waxaa la filayaa in sannadkaan 2017, magaalada Gaalkacyo ay noqoto magaaladii ugu horeysay ee yeelata garoonka rooga cagaaran, waxaana ku xigidoona oo haatan qorshihiisu uu socdaa garoonka kubada cagta Garowe ee la yiraahdo Mira-awaare.

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this