Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro xoogan oo ka dhashay weerar culus oo lagu qaaday Saldhig ay lahaayen ciidamada AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar xoogan oo dhowr jiho ah ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayen ciidamo ka tirsan AMISOM.

Saldhiga ay maleeshiyada al-Shabaab ku qaaden weerarka ayaa ku yaalla deegaanka NO.60 ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana lasoo sheegayaa in weerarka uu ahaa mid ay maleeshiyada ka qaaden ilaa Seddex jiho.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Hubka culus iyo rasaas fudfudud ooda uga qaaday ciidamada AMISOM, waxaana sidaa ku bilowday daryanka rasaasta oo isqabsatay.

Ciidamada AMISOM ee saldhiga ku leh deegaanka NO.60 ayaa iska caabiyay weerarka, waxaana lasoo sheegayaa in Hoobiyayaal ay ku garaaceen dhammaan deegaanada ku dhow dhow.

Ciidamada ayaa Hoobiyaha isaga caabinaayay maleeshiyaadka oo ku socday Gaadiid, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaaro kala duwan.

Khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray ciidamada AMISOM iyo kuwa Shabaab, waxaana eeryada uu dagaalka ka dhacay lagu arkaayay Meydad iyo dhaawacyo dhowr ah.

Dhinaca kale, labada dhinac ayaa kala sheeganaaya guul, inkastoo dadka deegaanka ay sheegayaan inay arkayeen Meydadka Shabaab dhan afar iyo dhaawacyo farabadan.

Dhanka AMISOM ayaa la sheegay inuu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu sheegay ilaa iyo Shan, wallow taliska AMISOM uusan weli ka hadal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Khasaaro xoogan oo ka dhashay weerar culus oo lagu qaaday Saldhig ay lahaayen ciidamada AMISOM appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this