Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo keentay agabkii lagu fududayn lahaa shirka nabadaynta colaadii Qoriley iyo Gumburka Cagaare

Recommended Posts

Deeq A.   

27336262_1013574198795008_19973786362121Garowe (Puntlandi) Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade ayaa qalab loogu talagalay shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah ee Bahararsame iyo Cumar Maxamud  ku wareejiyey guddiga nabadaynta labada beelood.

Qalabkaan oo kasoo dagay dekeda Bosaso, ayaa ah agabkii loogu talo galay goobta shirka lagu qabanayo oo ah degaanka Meygaagle, halkaas oo la doonayo in lagusoo afjaro colaada beelaha walaalaha ah.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in shirka nabadaynta la qabandoono maalmaha soo socda islamarkaana dowladda Puntland ay diyaarisay kaalinteeda uga aadanayd fududaynta shirkaas, sida uu sheegay shir jaraa’id oo qalabkaan uu kusoo bandhigayay.

Colaadii ka taagnayd degaanada Qoriley iyo Gumburka Cagaare, ayaa 30-kii bishii december ee sannadkii hore waxaa laga gaaray heshiis horudhac ah oo ka koobnaa qodobadaan hoos ku xusan.

1. Xabad joojin
2. Ciidamadoo lakala qaado
3. Shir mudo bil ah gudeheed laysugu yimaado gogoshana ay dhigto beesha xaga Burtinle soo xigta
4. In qofkii wax dila lasoo qabto oo beesha wax laga dilay lagu soo wareejiyo hadii dambiiluhu fakadana beeshiisa 20 oday laga soo xiro sidoo kale 200 oo geel ah laga soo qaado
5. In amaanka deegaankaas Itoobiya sugto iyo qodobo kale.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this