Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted December 22, 2005 Y uusuf cabdi Abuukar mar aan dhawaan kula kulamey suuqa dhexdiisa isaga oo qaawan dhexdune ay ugu xiran tahay bac madoow yar oo ah kuwa lacagta lagu qaato isaga oo caga cad oo aad ka naxeysid marka uu kaa soo horbaxo silica iyo rafaadka ka muuqda darteed, wuxuu ii sheegay in uu yahay derbi jiif aan hoy laheyn, isla markaane uusan aqoon u laheyn wax u ah ehel; sida abti, adeer, awoowe, eedo, haryar, ayeeyo iyo walaaltoona mana garanayo dadeyda inta ay tahay, ayuu yiri, wuxuuse u muuqday wiilkaan dhibaateysan ilaa 12 jir kadaalay qeybaha kala duwan ee silica iyo rafaadka, wuxuu yiri Muqdisho ayaan ku dhashey xaafada Suuqa Beerta ee u dhow xeradii hore ee Afisyooni. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri Yuusuf Cabdi Abuukar dhar aan xirto waxaa iigu danbeysey lix bilood kahor qabeysna waxaan qabeystaa marka uu roobku yimaado. Wuxuu sheegay in uu ugu jeclaan lahaa dhar hadii uu heli karo sida macaawis iyo shaati taasoo uu ku cataabey in uu ka huwan lahaa xiliyada roobka iyo dhaxanta deyrdhaafka ah. Waxaan ahay agoon, hooyadey waxaa lagu diley suuqa beerta, waxaana ay sababsatey isrisaaseen laba kooxood dhexmartey arinteedii la iskama warsan dadkii diley lama xirin lana doonin aabaheyna tuugo ayaa toorey ku dishey. ...Yuusuf Cabdi Abuukar kaa soo noloshiisa ku maareeyo dawersiga (tuugsiga) mana laha hadii uu helo wax badan meel uu ku shubto (jeeb) sida ka muuqato bacda uu xiran yahay. MUUSE MAXAMUUD JIISOW somali39@hotmail.com _______________ Hadee kaa baxdo ama kaa suurtowdo waxaad awoowid, ha ahaato £10, €20, $30 or anything in between, Eebbe magaciis ugu sadaqeyso oo emailkaas kala xiriir wariyaha oo asagaa u gudbin doonee maskiinkaan walaalkeena agoon iyo rajo isku darsaday. Toban doolar wax weyn manala aha, laakiin go' uu qaboobka iskaga celiyo habeenkii wuu heli lahaa. Lix bilood ayuu bac kaliya ku socdaa. Yaa Eebboow! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted December 22, 2005 Macruuf waadku ahadsantahay balse su'asheydu waxay tahay markuu 6 bilood dhar la'aan ku socday miyeeysan wax muslim ah aagga ka dhoweyn? dadku ma gaalo ayeey noqdeen, maxay ugu dhowrteen bacda? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Rowda Posted December 22, 2005 Allamagan Soomalidu waxay kumaahmaah daa laba qaawan ismaqaado. Dadka somaliya kunool ayaagaa dhibaataysan meelkasta oo ayjoogaan. Miskiin Waadmahsantahy walaalo ilaahay khayr hakaa siiyo. Imagine how much will most of us spend on new year night? just to go to ruwaayad somali ah. Insh'alaah waanlaxiriiri doonaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 28, 2007 " Lugo iyo Gacmo midna ma leh, waa 47 jir ay nolol ka sugayaan 10 qofood " Maxamed C/lle Wardheere (Fuje) waa Nin Naafo ah oo ku nool Magaalada Muqdisho, waxaa saameeyey Duruufaha adag ee Muqdisho ka Jira, wuxuu dhibka, qaxa, qaraxa, Sicir bararka, ammaan darida inta badan la wadaagaa reer Muqdisho, waxaase u gaar ah waa Nin da’ah oo Cuuryaan ah waana Nin wax Addimo ah laheyn, Gacmo uu ku xoogsado ama wax ku qabsadana ma leh, Lugo uu ku cararo ILAAH-ba ma siin, Haddana Naf iyo Nolol sideenoo kale ayuu doonayaa. Fuje waa Xaasle leh dhowr Caruur ah, waa isu doonasho ILAAHEE Xaaskiisuna waa Curyaan aan lugo laheyn, Waxaase Mahad ILAAH ah dhashii Curyaamiinta ka farcantay Lixdooda Lixaad ILAAH waa u dhamestiray, waxaa Fuje la nool dhowr dhallinyaro ah oo isaga la dhalatay, isku dar 10 qofood oo Caruur u badan ayuu isagu oday u yahay oo quud ka sugaya. Fuje oo aan kula kulmay Xafiiskeyga ayaa ii sheekeeyay waxuuna igu yiri “waxaan ahay Aabbe Cuuryaan ah oo Caruur badani nolol ka sugayaan, aroor walba ayaan u qaraab tagaa oo wixii ALLE iigu soo dhiibo ayaan ula soo hoydaa, dhab ahaantii intii aysan dhibaatooyinkaan Muqdisho ku soo kordhin waa nagu filnaayeen Xoogaaga ILAAHAY dadka walaaleheen ah inooga soo qaado, balse hadda maya!!!” Duruufaha adag ee xilligan Muqdisho ay ku jirto saameyn Xoog leh ayey ku yeelatay Nolosha Fuje iyo Qoyskiisaba, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yiri “Muqdishaan ku dhashay kuna soo barbaaray, waxaana u soo joogay dhammaan isbedelladii dalka ka dhacay guud ahaan, midda maanta aan ku jirno oo kale weli ima soo marin, Madaafiicdii Muqdisho, Qaraxyadii iyo kala cararkii dhinaceyga ayuu iga saameeyey, waxaa intaas oo dhan iiga daran Qaraxyada iyo is rasaaseynta Muqdisho ka jirta oo runtii caqabad ku noqotay soo aadistayda magaalada si aan dadka wax u waydiisto, waxaan xasuustaa in maalin Khamiis ah anigoo gaarigeyga xunkaa la igu riixayo, una socda Suuqa Bakaaraha ayaa meel noo dhoweyd qarax ka dhacay, markiiba Ciidamada Booliiska ayaa rasaas nagu furay wiilkii ila dhashay ee gaariga ii riixayey naftaa u run sheegtay oo wuu iga cararay isagoo darbi uu rasaasta kaga gambado raad sanaya, aniga iyo holicii rasaasta ayaa goobtii ku soo harnay, runtii waan ciishooday, oo cabsida rasaasta waxaa ii wehliyay feker daqiiqada socday anigoo ku taamay haddii uu ALLE lugo I siin lahaa rasaastaan waad ka baxsan lahayd, arrintaas kuma fekeri jirine waxaa iga keenat cabsida iyo dhimashadii oo albaabka ii soo istaagtay, ILAAH ayaan markiiba u toobad keenay oo nasiib wanaag iga badbaadiyay rasaastaas”. Fuje waxaa lagu riixaa Gaari yar oo luguhiisu dhammaad yihiin ayna adag tahay sida lagu wado Magaalada bubursan ee Muqdisho oo u qeybsan waddooyin bacaadku xiray iyo kuwo laami ah oo burbursan oo labadaba midna uusan saamaxeyn in si raaxo leh loogu riixo gaarigaa duugoobay, taasina waxay ka mid tahay waxyaabaha welwelka ku haya Fuje oo uu markaan wehliyo walaalkiis oo isagu leh shaqada riixidda gaariga Fuje. Ismaaciil Cabdulle Wardheere wuxuu la dhashay Fuje, waana wiil daqiiqad ka maqnaan walaalkiis Fuje, wuxuu ku riixaa gaariga isagoo albaab kasta mar hor istaajinaya, wuxuu ku dhibban yahay riixida gaariga walaalkiis, balse dantaa biddoo meel uu uga baxsado ma jirto. “Shaqo kale ma hayo, waxaaan aroortii soo kexeeyaa walaalkey anigoo ku riixaya gaarigaan dhibka badan, Galabtii ayaanna dib ugu celiyaa guriga iyadoo gacmaha iyo garbahaba idikaamayaan” ayuu yiri Ismaaciil oo ka cabanaya dhibaatada ba’an ee uu kala kulmo gaari ku riixidda walaakiis curyaanka ah. Ismaaciil oo hadalkiisa sii wata ayaa isbarbar dhig ku sameynaya Muqdishadii hore iyo tan manta iyo sida ay ugu kala fiicnaayeen gaari riixidda iyo amaanka wuxuu yiri “anigoo yar ayaan walaakey gaari kanoo kalaa ku soo riixi jiray waxaana si raaxo leh u soo marsiin jiray waddooyinkii Muqdisho oo aan wax god ah lagu arag, waxaan keeni jiray Afar irdoodka halkaas ayaan uga tegi jiray oo aan ka soo daneysan jiray, Dadkuna Qamdiga qoorta ugu jira ayey lacagta ugu ridi jireen, Cid wax siisa mooyee Cid wax u dhibta ama wax ka qaadataa ma jirin, taasi nolo macaan oo na soo martay ayay ahayd, waxaan kaloo soomarnay xilli wixii ay dadku nagu soo sadaqeystaan ay ******** inta waddada noo gasho ay naga qaataan. hadda nolol kale oo cusub ayaa galnay oo cabsi darteed ayaan maalmaha qaarkood u soo aadi weynaa Suuqa Bakaaraha qaraxyada iyo is rasaaseynta aawadood”. Ismaaciil wuxuu kaloo ii sheegay in qoykooda uu culayska badani imminka saran yahay “Markii hore wiil dhallinyaro ah oo madax bannana ayaan ahaa, haddase waan guursaday taasina waxay sii kordhisay culayskii saarnaa walaalkey Fuje oo wixii lagu soo sadaqeysto aan wada quudan jirnay Qoyska oo dhan”. Dhowr Sano ka hor ayuu Fuje isku dayey inuu raadiyo nolol midaan dhaanta wuxuu soo bandhigay Mashruuc yar oo Dukaan loogu abuurayo reer Fuje si ay noloshooda u maareeyaan, isaguna uu uga nasto tuugsiga dhibka badan, mashruucan ayuu u soo bandhigay dadka Soomaaliyeed ee muxsiniinta ah ee dalka iyo dibadaba ku nool, waxaana baahinta akhbaartiisa si wacan uga qaybqaatay Web site-ka Somalitalk oo runtii arrimaha noocaan ah amman ballaran ku leh. Dhowr todobaad kaddib lacago ayaa ka soo gaaray dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana u suurogashay inuu Suuqa Bakaaraha ka furo dukaan yar oo lagu iibiyo maacuunta uuna xilkiisa u dhiibay walaalkiis Ismaaciil, isguna dugsi quraan ayuu galay si uu waqtigii dhaafay u soo caymiyo quraankana uu si fiican u barto. Dhowr sano ayuu reerka masruufanayey dukaankaas, nasiib darose dhibaatooyinka is xigxigay ee Muqdisho ka jiray ayaa hoos u dhac ku yimid wax soo saarkiisa dukaankii ilaa markii dambe uu xirmo wixii ka harayna la xaraasho. Maanta Fuje wuxuu dib ugu soo laabtay noloshii adkayd ee tuugsiga ahayd oo weliba markaan nolol iyo geeri u dhexeysa, waxaan la kulmay isaga oo magaalada la dhex marinayo, markii aan arkay Runtii waan ka naxay oo noloshii Ganacsiga ayaan ku ogaa, markii uu ii sheegay sida ay wax u jiraan, waxaan ku iri war ka waran haddii aan arrintaada sidii kal hore aan muxsiniinta Soomaaliyeed u bandhigno, wuxuu igu yiri taas waan ka xishoonayaa waayo dadkii aan mar hore u ballanqaaday in haddii dukaan la ii furo aan tuugsiga joojinayo, ee isoo wada caawiyey ma garan karo sida aan mar kale u oran lahaa “war dukaan kale hala ii furo.” Si kastaba ha ahaatee walaalkiin Fuje wuxuu mar kale dhowr sano kaddib idinka codsanayaa in aad mar kale u maalgelisaan dukaan kale si uu dhowr sano oo kale uga nasto wareega dhibka badan iyo tuugsiga Joogtada ah. Biluhu kal kheyr bade markaana waxaa lagu jiraa bishii kheyrka badnayd ee ay sadaqadu aadka u ajirka badnayd ee soo taageer walaalkaa, qorshahana ku darso sakada aad bixinaysana aad ku soo caawini kartid. Haddii aad taageereyso walaalkaaga gacantaada u baahan si toos ah ula xariir kana wac Fuje Taleefanada: 969-010, 969-999 , ama 622-87792 . [Telefoonadda 'country code' ayaa ku darsaneysa ee Soomaaliya oo ah 252 .] Iimeel: Fuje2@hotmail.com Xigasho -------------- Soon waaye ee walaalkeen waxaad awoodid ugu gar gaar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 1, 2007 U Gargaar, walaal, wiilkaan aad u dhibaatesayn ee dhashay isagoo aan gacmo laheyn Allaha kuu gargaaree Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan ayaa dhagaha ka fareystay xaalada wiil yar oo dhiban kaasoo gacmo la’aan isagoo ah uurka hooyadiis ka soo baxay. Wiilkaan yar oo lagu magacaabo Cismaan Xalane Xasan ayaa wax gacmo ah laheyn, isla markaana ku dhashay gacmo la’aan waxaa intaasi usii dheer xanuun xoogan oo habeen iyo dharaar haya kaasoo dhaqaatiirka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku dhaqan aqoon waayeen waxa uu yahay xanuunkaan, iyagoo sheegay inaan wax looga qaban Karin xanuunka cunugaan yar gudaha dalka. Ganacsato Soomaaliyeed iyo Shaqsiyaad uu ugu horeeyo Cabdifitaax Axmed Maxamuud ayaa waayadii ugu dambeeyay ku howl-lanaa sidii ay gargaar ugu heli lahaayeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan si howl caafimaad dibada loogu qaado cunugaan dhiban balse taasi ilaa hada ma suurta galin. Hooyada dhashay wiilkaan oo ah hooyo aad u dhibaateysan dhinaca dhaqaalaha ayaa waxa ay idinka codsaneysaa cidii wax u awoodi karta wiilkaan yar iney gar gaar bani aadnimo usoo fidiyaan. Hooyada wiilkaan dhasyay ayaa sheegtay ineysan heysan wax ay wiilkaan wax ugu qabato iyada iyo wiilkana ay isku kor dhibaateysan yihiin, waxeyna shacabka Soomaaliyeed ka codsaneysaa inay gargaar bani aadnimo usoo fidiyaaan. Wiilkaan ayaa aabihiis geeriyooday, waxuuna ku jiraa xiligaan nolal adag, isagoo ay la dhasheen caruur fara badan oo dhamaantood agoon ah. Wiilkaan ayaa hadda waxa uu ku sugan yahay Magaalada Hargeysa isaga iyo hooyadiis, kadib markii howlo caafimaad loo keenay halkaasi. Wiilkaan ayaa maalintii ugu yaraan 17 saac oo ka mid ah 24-ka saac ilmeynaya taasoo ah mid aad looga walaaco, lamana oga waxa haya ee ka oohinaya, dhowr baaritan ayaa lagula sameeyay magaalada Hargeysa balse dhaqaatiirta ayaa sheegeen inaan dalka wax looga qaban karin xiligaan, una baahan yahay gar gaar deg deg ah oo dibadeed. Hadaba Walaalaha Muslimiinta ahow u gar gaara wiilkaaan dhibaateysan ee aan gacmaha laheyn. Ciddii doonaysa inay Gargaar lacageed u soo diraan Wiilkaan gacmo la'aan ku dhashay ee dhibaateysan, waxaa laga codsanayaa inay ugu soo hagaajiyaan Cabdifitaax Axmed Maxamuud Tel: 0025224455566 Email: ugargaar@yahoo.com . Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 1, 2007 Inaalillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted November 1, 2007 Walaahay, allaha u fududeeyo kuligood... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 19, 2008 Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Copenhagen (Denmark) oo deeq lacageed soo gaarsiisey waalidiinta wiil ay buro weyn uga soo baxday isha Deeq ka koobneyd lacag gaareysa illaa $1000 (kun Doolar) ayaa maanta soo la soo gaarsiiyey Hooyo Muslimo Isaa'q Ibraahim iyo Aabe Maxamed Nuur oo ah waalidiinta dhashay wiil hal sano ah jir ah oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Nuur, kaasoo uu la soo gudbonaaday xanuun aad u daran dalka waxba looga waayey ka dib markii isha bidix ay uga soo baxday buro aad u weyn oo dhibaato daran ku heysa wiilkaasi Soomaaliyeed. Deeqdan oo ay soo direen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Copenhagen ayaa waxaa la soo mariyey shirkadda xawaalada Olymbic xarunteeda ku taala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana labada waalid ee dhashay wiilkan ay munaasabadaasi gudoonsiinta ah ka dib u mahad celiyeen walalaahood jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Copenhagen ee dalka Denmark sida ay iskugu taxluujiyeenm iney wax kal qabtaan xaalada wiilkooda, waxayna u rajeysay inuu ILAAHAY ugu bedelo deeqdaasi qeyr aad u badan oo aduun iyo aaqiraba anfaca. "Wiilka xaaladiisa waa iska liidataa hadda, maalinba isbitaal ayaan geynaa anagoo is leh, waxqabad ayaad ka heli doontaan, hase ahaatee waa ku hungownaa, shalay ayaa u dambeysay waxaan geynay isbitaalka Keysany oo aan kula kulanay dhaqaatiir Masaari ah, waxayna inoo xaqiijiyeen in buradan wax looga karo oo kaliya isbitaalada dibeda, waxayna na ka siiyeen daawooyin kaalmaati ah oo ay ka mid yiuhiin xanuun joojiye iwm" ayey tiri Hooyo Muslimo Ibraahim ***** oo ka warbixineysay xaalada uu ku sugan yahay wiilkeeda, waxayna mar kale codsaneysaa hooyadan in laga caawiyo sidii isbitaal dhinaca dibeda ah loogu heli lahaa wiilkeeda. Sidoo kale, labada waalid ee dhalay wiilkan la ildaran burada isha uga soo baxday ayaa u mahad waxay u celinayaan dad Soomaaliyeed oo muxsiniin ah, kuna kal nool meelo kala duwan oo caalamka, kuwaasoo ay sheegeen iney ka heleen deeqo lacageed oo kala duwan qofka walba wixii awoodiisa ah. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 19, 2008 This thread hadda ka bacdi will be dedicated dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku sugan u gargaaraayo walaalahooda ku dhibaateysan dalkeena. ------------ Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee Gotenberg (Sweden) oo deeqo lacageed soo gaarsiiyey waalidiinta canug Soomaaliyeed oo la ildaran buro weyn oo isha kaga soo baxday Deeq ka koobneyd lacag gaareysa illaa $1310 (Kun saddex boqol iyo toban Dollar) ayaa maanta soo la soo gaarsiiyey Hooyo Muslimo Isaa'q Ibraahim iyo Aabe Maxamed Nuur oo ah waalidiinta dhashay wiil hal sano ah jir ah oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Nuur, kaasoo uu la soo gudbonaaday xanuun aad u daran dalka waxba looga waayey ka dib markii isha bidix ay uga soo baxday buro aad u weyn oo dhibaato daran ku heysa wiilkaasi Soomaaliyeed. Deeqdan oo ay soo direen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gotenberg Sweden ayaa waxaa soo ururiyey wakiilna ka ahaa Sheekh Cali Xaayow, waxaana labada waalid ee dhalay wiilkan loo soo mariyey, isla markaana guddoonsiiyey deeqdaasi C/risaaq Cilmi Xaayow oo jooga magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadaasi guddoonsiinta ah ka dib labada waalid ay u mahad celiyeen walaalaahood Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gotenberg (Sweden) sida ay iskugu taxluujiyeen iney wax kala qabtaan xaaladda wiilkooda, waxayna u rajeyeeyeen inuu ILAAHAY ugu bedelo deeqdaasi qeyr aad u badan oo aduun iyo aaqiraba anfaca. Sidoo kale, labada waalid ee dhalay wiilkan la ildaran burada isha uga soo baxday ayaa u mahad celinaya gabdhaha Soomaaliyeed ee Gotenberg (Sweden) kuwaasoo iyana u soo diray deeq lacageed oo gaareysa illaa $270 (labo boqol iyo todobatan Dollar) taasoo isla maantaba uu soo gaarsiiyey C/risaaq Cilmi Xaayow oo jooga magaalada Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 19, 2008 Deeq ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Oslo (Norwey) oo la gaarsiiyey waalidiinta canug Soomaaliyeed oo la ildaran buro weyn oo isha kaga taala Deeq ka koobneyd lacag gaareysa illaa $1588 (Kun shan boqol iyo sideetan iyo sideed Doola)r ayaa maanta soo la soo gaarsiiyey Hooyo Muslimo Isaa'q Ibraahim iyo Aabe Maxamed Nuur oo ah waalidiinta dhashay wiil hal sano ah jir ah oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Nuur, kaasoo uu la soo gudbonaaday xanuun aad u daran dalka waxba looga waayey ka dib markii isha bidix ay uga soo baxday buro aad u weyn oo dhibaato daran ku heysa wiilkaasi Soomaaliyeed. Deeqdan oo ay soo direen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Oslo ee dalka Norwey ayaa waxaa soo ururiyey Dr. Abuukar Ibraahim Abiikar oo ah mas’uul ka tirsan Jimciyadda Towfiiq Islamic Center oo ka dhisan isla magaaladaasi Oslo, waxaana labada waalid ee dhalay wiilkan loo soo mariyey, isla markaana guddoonsiiyey deeqdaasi Aadan Max’uud Guurre oo jooga magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadaasi guddoonsiinta ah ka dib labada waalid ay u mahad celiyeen walalaahood Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Oslo ee dalka Norwey. [Wiilka yar toddobaadkii hore ayuu geeriyooday. Eebba ha u naxariisto.] Quote Share this post Link to post Share on other sites