Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo ku soo wajahan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa ku soo wajahan Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe , Puntland Cabdiwali Gaas , Hirshabelle Waare, Koonfur Galbeed Shariif Xasan Gal-Mudug Xaaf ayaa ku Soo wajahan Muqdisho.

Madaxdaan Maamul Goboleedyada ayaa ka qeeybgali doono shir u dhaxeeya madaxda maamul Goboleedyada iyo kuwa dowlada dhexe oo ka furmi doono Muqdisho.

Shirkaasi ayaa waxaa looga hadli doonaa waxyaabihii ka qabsoomay shirkii kan ka horeeyay oo madaxdu ay ku yeesheen Muqdisho.

Waxyaabaha shirkaan looga hadlayo ayaa waxaa kale uu kamid ah Doorashada Soomaaliya Qof iyo Cod iyo sida loo gaari garo oo madaxdu ay falanqeeyn iyo dood ka yeelan doonaan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo ku soo wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this