Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland oo kormeer ku tagay dugsiga ardayda dhagoolayaasha ee Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi Xuseen Faarax ayaa kormeer ku tagay Macadka ay wax ku bartaan ardayda dhagoolayaasha Hay’adda Daryeelka iyo hormarinta Dhagoolayaasha ee Puntland.

Wasiirka ayaa kormeerkiisa waxaa uu qayb-ka ahaa kormeero uu ku samaynayey schoolada ku yaala Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland waxaana uu wasiirku u kuur galay Xaalada ay ku sugan yihiin aradayda dhagalayaasha oo wax ka barta macadka waxaana uu halkaas kula kulamay Maamulka Macadka oo uga xog waramay xaalada Machadka dhagoolayaasha.

Maamulaha Macadka aradyda dhagoolayaasha Hay’adda Daryeelka iyo hormarinta Dhagoolayaasha ee Puntland sakariye siciid Yuusuf ayaa sheegay in macadka haatan ku suganyihiin 40 arday oo ka kala yimid gayiga ay soomaalidu degto kuwaas oo waxbarasho iyo hoyba uu u yahay Macadku waxaana uu intaa ku daray inay jiraan baahiyo uu qabo macadku isagoo ka codsaday dowladda iyo ganacsatadaba inay gacan taakulayn siiyaan schoolka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland Abshir yuusuf Aw Ciise ayaa dhankiisa sheegay in wasaaradiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto goobaha ay wax ku bartaan dadka araga lahayn, naafada iyo kuwa dhagoolayasaha ah waxaana uu intaa raaciyey inay shcoolka dhagoolayasha u baahan yahay dhisme gooni ah.

Waxaa kalo sheegeen Masuuliyiinta Wasaaaradda Waxbarashada in wax laga qaban doono Waxbarshada Baahiyaha Gaarka.

Dugsiga dhagoolayaasha ayaa waxaa ka muuqaday arday si fiican wax uga baranaysa dugsigaa iyagoo Macalimiinta qaybtoodna ka yimi Magalada boorame.

27544848_563592230640761_347882008730990 27540034_563597070640277_133660648605069 27332377_563599017306749_655376297432600 27072987_563597150640269_607122119186186 27332029_563592243974093_899771506857754 27459790_563597103973607_282005948099822 27336828_563592353974082_655774152776421 27654536_563592587307392_587881885262145 27331845_563592657307385_309629273108798

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this