Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalxa” Imaaraadka Dhaqaalihiisa yaanu ugu Faa’iideeysan Bur Burinta Soomaaliya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa uga digay Dowlada Imaaraadka Carabta in ay Soomaaliya ku bur buriyaan Hanti ay siiyaan siyaasiinta Soomaaliyeed.

Xildhibaan Dalxa Ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka ay u muuqato in ay bilaawday qorshe balaaran oo loo adeegsanayo hanti oo dalka lagu bur burinayo.

Waxa uu ugu digay tilaabadaasi in ay ku dhaqaaqday isaga oo ugu baaqay in hantida ay ku bixineeyso Imaaraadka bur burinta dalka ay ku badasho dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Baryihii ugu dambeeysay ayaa waxaa soo if baxayay eedeeymo kala duwan oo loo jeedinayay dowlada wadanka Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay iyada oo isticmaaleeyso hanti in ay bur burineeyso dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaanka

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/02/Cod-1-Xildhibaan-Dalxa.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Dalxa” Imaaraadka Dhaqaalihiisa yaanu ugu Faa’iideeysan Bur Burinta Soomaaliya” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this