Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar u qabatay Kormeerayaasha Waxbarasahada Gobolada Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waasarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa Qabtay tababar ku saabasan Tayeynya Kormeerka , Tababarka ayaa Lagu Tabarayey dhamaan Sagaalka Gobol ee Kormeeryasahada Waxbarashada Gobolada Puntland.

Tababarka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinata sare waxaa daah furay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Aw Ciise iyo Madaxa Kormeerka Cabadala Xuuxule.

Ujeeddda Tababarka guud ayaa ah in kor looqaado Tayada Kormeerka heer Gobol iyo heer Degmo .

Madaxa Kormeer waaxda tayo dhowrka Waxbarashada ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdala Xuuxuule ayaa sheegay in tayada Kormeerku uu yahay muhiimadda koowaad ee Wasaradda Waxbarashada, maadama madaxda ugu saraysa ee Wasaaradda ay balan qaadeen in kor loo qaadayo aqoonta waxbrasho ee kormeraayasha Waxbarashada .

Madaxa kormeera Waaxda tayeynta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliintsa sare ee Dawladda Puntland ayaa sheegay in sanadkaab dardar cusub la galin doono Kormeerkiisa iyo Maamulkiisa isla markaana uu sii socon doono Tababaro noocan oo kala ah oo kor loogu Qaadayo Tayayda kormeerka iyo shaqooyinka kale.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Ciise oo daahfuray Tababarka kormeerayaasha Gobolada waxuu kula dardar may kormeerayasha Gobolada inay cashar fiican ka barteen iyagoo aqoon ku filan ka qadan doona shaqadaa loo igmaday u soo qabtaan Wasaaradda iyo heer Gobol iyo heer Degmo.

Ujeeddda Tababarka guud ayaa ah in kor looqaado tayada kormeerka Waxbarasho Maamulka dugsiga iyo Ardayga iyo mida deegaaneed.

Ujeedooyinka kale waxaa ka mid ah, in Dugsiyada laga caawiyo Tex book, iyadoo kor loogu Qaadayo Waxbarashada Ardayga.

In la abuuro Jawi iyo dhaqan is la xisaabtan iyo is qiimayn ka dhaxeysa Daneeyayaasha Waxbarashada, In la helo kormeer, saxid iyo Toosin.

Muhiimada Tababarka kormeera ayaa ah,

1. In la helo Tex books u dhaxeeya Maclinka iyo Ardayga
2. Siyaasad Hagaajinta Maamulka Dugsiga.
3. Cashar eegista Fasalka
4. siyaasada isku xirka Waxbarashada Tooska ah iyo mida waawayn.
5. Siyaasada buugaagta luuqada wax lagu dhigo ee ardayga Wax laga baro.

27750337_563607967305854_66506010297964927459067_563607827305868_80389329683094027749787_563607707305880_462503414863618

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this