Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Militariga Somaliland oo ku dhawaaqay in ay soo gudbayan Yoocada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Militariga Somaliland,Gen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in militariga Somaliland inta badan uu qabsaday degaannada Sool iyo Sanaag,balse weli ay u hartay in ay soo taabtaan Xadkii ay ku taamiyeen ee Yoocada.

Gen. Taani oo maanta hadal ka jeediyey Xuska Sannad-guurada 24 aad ee Ciidamada Somaliland ayaa sheegay in sannadkii 1997-dii ay aanu jirin ciidan Somalilan oo dhaafsan magaalada Burco ee gobolka Togdheer,halka maanta militariga Somaliland ku suganyahay degaanka Tukaraq oo u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood.

Taliyaha ayaa sheegay in ay haatan ay u sii gudbayaan dhinaca Yoocada ee ay Somaliland sheegato in Xadkeedu ku egyahay,wuxuuna ku hanjabay in ay yoocada imaan doonaan ,iyagoo gudanaya waajib Dastuuri ah oo saaran,sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan ka daawo Gen.Taani

PUNTLAND POST

The post Daawo: Militariga Somaliland oo ku dhawaaqay in ay soo gudbayan Yoocada. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this