Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo kula shiray safiirka UK ee Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo, Feb, 3 2018- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu Dowlada UK uga mahad celiyay tageerada ay siiso Soomaaliya isagoo ku booriyay in dadaalka ay Ingiriisku ku bixinayaan dib usoo kabashada Soomaaliya ay sii dardar galiyaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in adeegyada ay Uk ka fuliso deeganada Jubbaland ay yihiin kuwo natiijooyin fiican ay kasoo baxayaan balse loo baahan yahay in mar walba lagu saleeyo baahiyaha jira.

Adeegyada Waxbarashada Caafimaadka dib u habaynta qoxootiga kasoo noqonaya dibadaha iyo arimo kale oo ay kamid tahay tayaynta Ciidamada Booliska ayuu Madaxweynahu sheegay in Jubbaland ay siinayso mudnaanta koobad taageerada Saxiibada Soomaaliyana ay mar walba muhiim u tahay.

Danjire David Concar ayaa sheegay in kaalmada ay ku bixiyaan Soomaaliya ay sii laban laabayaan isagoo sheegay in si gaar ah ay diirada u saarayaan deeganada Jubbaland si baahiyaha jira wax looga qabto.


JLP387488484.jpg
JLP36774374.jpg JLP37384884.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this