Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin dheeraad ah oo laga helayo duqeyn ay diyaaradaha Kenya ka geysteen Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceelwaaq (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Ceelwaaq oo ku taalla xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto Kenya ayaa sheegaya in diyaaradaha Helicopter Kenya ay duqeeyeen meel u dhow Ceelwaaq oo magaceeda la yiraahdo Kalabayrka halkaas oo magaalada u jirta qiyaastii 8-Km.

Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq, Sahal Macallin Aadan ayaa  Goobjoog News u sheegay in duqeyntaasi ay timid kadib markii ciidamada Kenya ay ka war heleen in halkaasi ay soo gaareen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Wuxuu xaqiijiyay in wax khasaare ah aysan halkaasi ka islamarkaana Al-shabaabkii yimid Kalabayrka ay dib kaga baxeen.

“Al-shabaab ayaa yimid deegaanka Kalabayrka, Kenyaatigana diyaarado Helicopter ah bay kiciyeen oo madaafiic bey ku tuureen, hade nimankiina dib ayeey u carareen” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Dhanka kale, Sahal Macallin Aadan oo aan wax ka weydiinnay caqabadaha ciidanka ka hortaagan in ay hantaan ammaanka degaannada ku dhow Ceelwaaq xaqiijiyaan ayuu sheegay inaanay jirin ciidan ku filan amniga oo degmadaasi ku sugan, sidoo kalena aysan ciidanka hadda jooga aysan wax mushaar ah arag muddo 6 sano ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Faahfaahin dheeraad ah oo laga helayo duqeyn ay diyaaradaha Kenya ka geysteen Gedo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this