Sign in to follow this  
Deeq A.

Biyaha badda oo kusoo fatahay xaafado katirsan degmada Caluula.

Recommended Posts

Deeq A.   

doomo.jpgWararka uu warsidaha Puntladi ka helay magaalo xeebeedka Qadiimiga ah ee Caluula ee gobolka Bari ayaa sheegaya in biyihii badda ay ku fataheen xaafado katirsan degmadaas, waxayna fatahaadani sababtay in ay ku baracakeen qoysas badan.

Fatahaadan waxaa la sheegay in ay timid kadib markii uu xirmay kanaal ay biyahu gali jireen markii mawjadaha Hirarku ay bataan balse kanaalka ayaa ciidu xirtay mana jirto cid isku xil saartay in ay furto kanaalkaas.

Xaaladan caynkaan ah ayaa muddo taagnayd, sida ay Puntlandi u sheegeen dadka degaanka. Guddoomiyaha degmada ayaa u sheegay in biyaha baddu qaadeen boqolaal guryo ah iyo goobo ganacsi oo muhiim ahaa.

Guddi ay dowladda Puntland horey ugu magacowday xaalada Caluula oo horey loogusoo rogay xaalad degdeg ah, balse illaa iyo hadda xaaladeeda wax lagama qaban.

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this