Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa loo magacaabi la’yahay taliyaha hay’adda Nabad Suggida?

Recommended Posts

Deeq A.   

C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa ka hadlay sababta illaa iyo hadda loo magacaabi la’yahay Taliyaha cusub ee NISA.

C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Taliyihii hore ee Booliska Somaliya, General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay 29-kii bishii October, maalin ka dib weerarkii abaabulnaa ay Shabaabku ku galeen Hotelka Naasa Hablood 2 oo ku yaala Degmada Xamar Weyne.

Sanbaloolshe oo wareysi dhinacyo badan taabanaayay siiyay VOA, lana weydiiyo waxa loo magacaabi la’yahay Taliyaha cusub ee NISA, ayaa sababta ku sheegay inay saddex arrimood la tahay.

Midda hore, ayuu ku sheegay “Waxay ila tahay kow su’aashaas in Madaxda Qaranka la weydiiyo waa muhiim, laakiin saddex arrimood, mid malaha qorshe xumo weeye, markii hore Taliye-yaasha xilka laga qaadaayay waxay ahayd haddii Taliye-yaashii meesha joogay la saluugay ama la dhaliilsanaa in la diyaariyo dadkii xilkaasi laga wareegi lahaa, taasi ma dhicin waa qorshe xumo.”

Sababta labaad, ayuu ku sheegay “Tan kale malaha cid la’aaminaa la la’yahay oo shaqadaasi qabato, anigu ma garan karo Soomaalidii inay ammaanka ka baxday ama dadkii masuuliyadaan qaadi lahaa ayaa laga waayay.”

Tan saddexaadna waxaa uu ku sheegay “Tan kalena malaha waxaa dhici karta in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay ogyihiin Taliye-yaal anagu aan moognahay magacaaban yihiin waa suurtagal.”

Khamiistii shalay, ayaa la fillaayay in la magacaabo Taliye-yaasha Nabad Suggida iyo Booliska Somaliya, inkastoo qorshahaasi uu dib u dhac ku yimid.

The post Maxaa loo magacaabi la’yahay taliyaha hay’adda Nabad Suggida? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this