Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo lagu qaaday Gaari ay la socdeen dad shacab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa lagu rasaaseeyay Gaari ay la socdeen dad shacab ah.

Weerarka lagu qaaday gaariga ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray shacabkii la socday gaariga.

Inta la xaqiijiyay weerarka gaariga ayaa waxaa ku dhintay hal qof, halka mid kalena soo gaaray dhaawac, waxaana halkaa ku baxay ciidamo ka tirsanaa maamulka, wallow ay waayen Kooxihii falka geystay.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inay aheyd Haweeney saarneyd gaariga oo kusii jeeday Gobolka Hiiraan, waxa uuna falkaan ka dhacay Degaanka Caloola-Cad oo Magaalada Baladweyne u jirta 7 KM.

Dhinaca kale, dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baladweyne si loogu daweeyo, waxaana tiradooda lagu sheegayaa ilaa afar ruux.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Weerar uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo lagu qaaday Gaari ay la socdeen dad shacab ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this