Sign in to follow this  
Deeq A.

90 Tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha Libya kadib markii Dooni ay la degtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Qiyaastii 90 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen kadib markii dooni ay la socdeen tahriibayaal u badan dalka Pakistaan ay ku degtay ah xeebaha Liibiya galinkii hore ee jimcihii shalay, sidaana waxaa sheegtay wakaaladda socdaalka UN.

Maydadka tobanaan kamid ah tahriibayaasha ayaa laga helay meel u dhow magaalada Zuwara ee dalka Libya, sida uu sheegay afhayeenka Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka, Olivia Headon, kaasoo sheegay in macluumaadka ay hayaan ay weli baaritaan ku wadaan.

Waxaa doonidaan dadka saarnaa ka badbaaday labo qof oo ay soo badbaadisay dooni kalluumeysi ah loo laga leeyahay dalka Tunisa.

Saraakiisha ilaalada xeebaha Libya ayaa sheegay inaysan helin wax macluumaad oo ku saabsan doontaan iyo xilliga ay degaysay, hase yeeshee waxay tilmaameen in habeenkii uu soo gaaray warbixin uga timid saraakiisha magaalada Zuwara, kuwaas oo sheegay in ay heleen maydadka 13 oo dhammaantood ahaa Pakistaniyiin, marka laga reebo hal dumar ah Liibiyaan ah.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this