Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Muxuu Sambaloolshe ka yiri weerarada lagu qaado Siyaasiyinta & dhiibista Qalbi dhagax

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somlia ee NISA, C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa ka hadlay caburinta lagu hayo Siyaasiyiinta.

Sanbaloolshe, ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan qabin in la caburiyo Siyaasiyiinta waxa uuna tilmamay in dowlada Federaalka laga doonayo inay xoriyad siiso dhinacyada dhaliilsan fekerkeeda.

Sanbaloolshe, waxa uu tilmaamay inay mudan tahay in Hubka dowlada keliya lagula dagaalamo maleeshiyadka al-Shabaab oo aan loo weecin jiho kale.

Mar wax laga weydiiyey Khilaafka dowlada Somalia kala dhexeeya dowladaha  Khaliijka ee ka dhashay caburinta Siyaasadeed ee la saaray Qadar, ayaa waxa uu sheegay inaanu jirin fadhi gaara oo looga wadahadlay go’aan ka gaarista Khilaafka Khaliijka iyo dhinaca ay ka noqon laheyd dowlada.

Waxa uu tilmaamay inaanu jirin fadhi loo dhanyahay oo Madaxda dowlada Somalia ay ku go’aamisay taageerida Xulafada Sacuudiga ama Qadar, hase ahaatee aysan dowladu ka fiirsan sida u roon.

Waxaa sidoo kale, wax laga weydiiyay dhiibista Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), waxa uuna si aan toos ahayn uga hadlay tallaabadii lagu wareejiyay Qalbi Dhagax.

Sambaloolshe, ayaa ka war wareegay cidda rasmiga ah ee ninkaasi u dhiibtay Dowladda Ethiopia, balse uu go’aankaasi ahaa mid dowladeed, haddii Golaha Wasiirada Somalia ay war ka soo saareen.

Sambaloolshe  waxa uu sheegay inuusan dooneyn inuu sameeyo far ku fiiqis oo qof uu ku eedeeyo arrintan,  wuxuuna tilmaamay in go’aankaas lagaga sareeyay.

Kiiska (Qalbi Dhagax) ayaa noqday mid aanan ka ogeyn quluubta Shacabka Soomaaliyed, kuwaasi oo dareemaya niyad jab wayn oo ku aadan in Dowladda ay arrintan ku deg degtay.

The post Dhageyso: Muxuu Sambaloolshe ka yiri weerarada lagu qaado Siyaasiyinta & dhiibista Qalbi dhagax appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this