Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland & Alshabaab oo ku dagaalamay duleedka magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)-Dagaal muddo kooban socday ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Sugurre oo duleedka ka ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaad hubeysnaa oo ka tirsan al-Shabaab.

Dagaalka oo leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay weerar ku qaaden degaanka Sugurre ee duleedka magaalada Boosaaso.

Dagaalka ayaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray ciidamada maamulka, maleeshiyaadka dagaalka soo qaaday iyo dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in halkaa ay ku arkayeen Meydadka dhowr ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab oo ay wehliyaan kuwo shacab ah oo ay haleeshay rasaasta.

Dadka deegaanka waxa ay sheegen in maleeshiyaadka ay la kulmeen difaacyo adag oo dhanka ciidamada maamulka ah.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay iska difaaceen maleeshiyaadkii  weerarka soo qaaday, waxayna tilmaameen khasaaraha soo gaaray inuu yahay mid kooban.

Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa Saldhigyo qarsoodi ah ku dhex leh deegaanada maamulka Puntland sida Boosaaso oo ay ka dhacaan dilalka iyo Qaraxyada ugu badan, Gaalkacyo, Qardho iyo Buuraaleyda Galgala.

Geesta kale, magaalada Boosaaso iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa saaka ilaa iyo hadda ka socda howlgalo ka dhan ah al-Shabaabka weerarka qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

The post Ciidamada Puntland & Alshabaab oo ku dagaalamay duleedka magaalada Boosaaso appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this